Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ololaha 9aad ee daweynta isku furanka Haweenka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ololaha 9aad ee daweynta isku furanka Haweenka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo gabagabeenayey Ololaha Sagaalaad ee daaweynta isku furanka oo ay ka faa’iideysteen laba boqol oo bukaan

Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare , madaxda Hey’adda PAC, Safiiro, dhakhaatiir iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadan oo u jeedkeedu ahaa xiritaanka Ololaha Sagaalaad ee daaweynta Isku-furanka Haweenka iyo sagootinta Dhaqaatiirta u dhalatay dalka Sudan ee Isbitaalka Degmadda Dayniile Qaliinada lacag la’aanta ah ugu sameeyay In ka badan Boqol iyo Konton Haween, kuwaas oo la dhibaatoonayey xanuunka Isku-furanka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Ololaha Sagaalaad ee daaweynta Isku-furanka oo sanadkan hal ku dheg looga dhigay soo celinta dhoolacadeynta haweenka, waxaa iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka iyo hey’adaha PAC iyo UNFPA sida uu munaasabada ka xusay Agaasimaha Hey’adda PAC ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, kaas oo dhinaca kale xusay inay sii wadi doonaan howlaha loogu hiilinayo dumarka Soomaaliyeed ee la dhibaatoonaya xanuunka Isku-furanka.

Wakiilka Hey,adda UNFPA ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta kale ee madasha ka hadlay ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan xoojinta doorkooda ku aadan ciribtirka xanuunka isku-furanka.

Senator Zamzam Daahir Maxamuud ayaa xustay in ay muhiim tahay In la garab istaago dumarka oo laf dhabar u ah bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in lasii wado ololaha lagu ciribtirayo xanuunka isku-furanka, lana gaarsiiyo gobolada dalka oo dhan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur oo munasabadda soo xirtay ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonaan sidii tababar loo siin lahaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed si ay door weyn uga qaataan ciribtirka xanuunka isku-furanka..

Previous Post

Nadiijada codbixinta doorashada golaha deegaanka  Puntland oo soo idlaatay

Next Post

Saaxiibada caalamka oo ka walaacsan xaaladda beni’aadanimo ee Guriceel

Next Post
Heshiis xabadda joojin ah oo laga gaaray dagaalkii Guriceel

Saaxiibada caalamka oo ka walaacsan xaaladda beni'aadanimo ee Guriceel

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In