Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ololaha 9aad ee daweynta isku furanka Haweenka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ololaha 9aad ee daweynta isku furanka Haweenka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo gabagabeenayey Ololaha Sagaalaad ee daaweynta isku furanka oo ay ka faa’iideysteen laba boqol oo bukaan

Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare , madaxda Hey’adda PAC, Safiiro, dhakhaatiir iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadan oo u jeedkeedu ahaa xiritaanka Ololaha Sagaalaad ee daaweynta Isku-furanka Haweenka iyo sagootinta Dhaqaatiirta u dhalatay dalka Sudan ee Isbitaalka Degmadda Dayniile Qaliinada lacag la’aanta ah ugu sameeyay In ka badan Boqol iyo Konton Haween, kuwaas oo la dhibaatoonayey xanuunka Isku-furanka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ololaha Sagaalaad ee daaweynta Isku-furanka oo sanadkan hal ku dheg looga dhigay soo celinta dhoolacadeynta haweenka, waxaa iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka iyo hey’adaha PAC iyo UNFPA sida uu munaasabada ka xusay Agaasimaha Hey’adda PAC ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, kaas oo dhinaca kale xusay inay sii wadi doonaan howlaha loogu hiilinayo dumarka Soomaaliyeed ee la dhibaatoonaya xanuunka Isku-furanka.

Wakiilka Hey,adda UNFPA ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta kale ee madasha ka hadlay ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan xoojinta doorkooda ku aadan ciribtirka xanuunka isku-furanka.

Senator Zamzam Daahir Maxamuud ayaa xustay in ay muhiim tahay In la garab istaago dumarka oo laf dhabar u ah bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in lasii wado ololaha lagu ciribtirayo xanuunka isku-furanka, lana gaarsiiyo gobolada dalka oo dhan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur oo munasabadda soo xirtay ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonaan sidii tababar loo siin lahaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed si ay door weyn uga qaataan ciribtirka xanuunka isku-furanka..

Previous Post

Nadiijada codbixinta doorashada golaha deegaanka  Puntland oo soo idlaatay

Next Post

Saaxiibada caalamka oo ka walaacsan xaaladda beni’aadanimo ee Guriceel

Next Post
Heshiis xabadda joojin ah oo laga gaaray dagaalkii Guriceel

Saaxiibada caalamka oo ka walaacsan xaaladda beni'aadanimo ee Guriceel

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In