Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Olole Nadaafadeed oo ka bilaabatay xaafadda Mayfair ee magaalada Johannesburg

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koofur Afrika oo kulan ku yeeshay magaalada Cepe Town
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Hoose ee magaalada Johannesburg oo kaashaneysa Jaaliyadda Soomaalida ee magaaladaasi ayaa waxaa ay howlo wacyi gelin ah oo dhanka nadaafada ay ka sameeyeen xaafadda Mayfair oo Soomaalida Dagan tahay.

Howlgalkaan ayaa waxaa iska kaashanayay duqa Ward 58 ee magaalada Johannesburg Alex, Jaaliyadda Soomaalida ee xafadaasi iyo waliba Jaaliyada Oromada ee dagan isla xafaadaasi, waxaana uu ahaa ujeedkiisa mid la doonayo bilic soo celinta xaafadaasi in laga wada qeyb qaato.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Waxaa dadkii ka qeyb qaadanayay ay isku qeybbiyeen labo qeyb oo kala ahaa madaxda Jaaliyada iyo dowladda Hoose oo ka shaqeynaysay wacyi gelinta dadka ganacsiga halkaasi ku heysta in ay ka shaqeeyaan nadafaada isla markaana ay qashinka ka soo saaraan goobahoda ganacsiga, gaar ahaan maqaayadaha ay geeyaan meelaha loogu talagalay.

Qeybta labaad oo u badnaa dhallinyaro ayaa ayaga waddooyinka socod ku marayaya waxaana qashinka ka aruurinayeen wadooyinka xafaadaha dhaxdooda iyo afafka hore ee goobaha ganacsiga Ku yaala xaafada Mayfair .

Guddoomiyaha Jaaliyada Caamir Sheekh iyo Guddoomiyaha Jaaliyada Oromada oo warbaahinta Qaranka kula hadlay halka ay howsha nadaafada ka socotay ayaa sheegay in muhimada shaqadaan ay tahay in wacyigalin loo sameeyo dadka halkaan ku nool isla markaana laga wada qeyb qaato bilicso celinta xaafada.

“Howshaan waxaa ay aheyd mid ay iska kaashanayeen Dowladda hoose ee magaalada Johannesburg Iyo jaaliyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaana ujeedkeeda ugu weyn oo ahaa in wacyi galin loo sameeyo dadka deegaanka iyo waliba in Nadaafada laga wada qeyb qaato” ayuu yiri Caamir Sheekh.

Duqa Ward 58  ayaaa ugu baaqay bulshada ku wada nool xaafadda Mayfair in la wada shaqeeyo isla markaana la iska kaashado nadaafada maadaama ay tahay qeyb ka mid ah iimaanka.

“Hadiiba aad joogto South Africa waxaad tahay South Africaan ama Soomaali waaa in aan u hogaansanaa sharciga dalkaaan ,waxaad xasuusnaataan dadka ugu badan ee halkaan ku nool badankood waa Muslim ,Diinteena waxaa ay na bareysaa Quruxda iyo Nadaafada in aan ku dadaalno” ayuu yiri Duqa Ward 58

Xaafada Mayfair ayaa ah xarunta ganacsiga Soomaalida, waxaana dadka South Africaanka ah ay ugu yareeaan Muqdishadii yareyd .

 

Previous Post

Wasiirka shaqada oo xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bariga Afrika ee Hay’adda ILO

Next Post

Afar ka tirsan burcad dhibaateyneysay shacabka oo lagu wareejiyay xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida “SAWIRRO”

Next Post
Afar ka tirsan burcad dhibaateyneysay shacabka oo lagu wareejiyay xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida “SAWIRRO”

Afar ka tirsan burcad dhibaateyneysay shacabka oo lagu wareejiyay xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida "SAWIRRO"

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In