Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Pakistan oo India ku eedeysay maalgelinta Islaam naceybka

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Pakistan oo India ku eedeysay maalgelinta Islaam naceybka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan ayaa ku tilmaamay India in ay tahay dal maalgelineya Islaam naceybka, taas oo abuuraysa kala fogaansho, waxaa uu si weyn u cambaareeyey sida India ula dhaqanto gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmir qaybta ay India maamusho.

Waxa uu hadalkan ka sheegay kulanka golaha loo dhan yahay ee QM oo sanadkan lagu qabtay Online-ka, isu imaatinkiina loo baajiyey COVID-19 awgiis, isagoo xusay in India maanta khatar ku heyso nolasha ku dhowaad 200 oo milyan oo Muslim ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

“Maanta waxaa jira waddan oo aan ka xumahay in aan ku iraahdo wuxuu maalgeliyaa Islaam naceybka waana India. Sababtana waxaa ay tahay dalkaas waxaa maamula koox aamisan fekrad khaldan, waana nasiib darro in maanta India u taliyaan kuwaas,” sidaa waxaa sheegay Khaan.
“Waxay aaminsan yihiin in India Hinduugu leeyihiin inta ka soo hartayna yihiin muwaadiniin ayaga aan la mid aheyn .”

Ra’iisul wasaare Khaan ayaa had iyo jeer waxaa uu dhaleeceeyaa go’aanka ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi August sanadkii hore ka qaatay gobollada Jammu iyo Kashmir oo la hoos geeyay dowladda dhexe ee India isla markaana dastuurka dalka laga saaray qodobka sheegaya is maamul hoosaadka gobolladaas.

Labadan dal ee dariska ah isla markaana ku hubeysan Nuclear ayaa midba kan kale ku eedeeyaa in uu mas’uul ka yahay dhibaatada ka taagan gobolka Kashmir. India waxay Pakistan ku eedeysaa in ay tababarto isla markaana hubeyso kooxaha ka soo horjeeda xukunka New Dehli, halka Pakistan ku eedeyso India in ay mas’uul ka tahay xuquuq la’aanta malaayiinta ku nool gobolkaas.

Guddi gaar ah oo QM u saartay arrinta Kashmir ayaa dowladda India ugu baaqay in ay qaado talaabo deg deg ah.
Ra’iisul wasaare Khaan ayaa sidoo kale, khudbadiisa sanadkii hore uu u jeediyay QM waxaa uu ku soo qaatay dhibaatada lagu hayo muslimiinta dunida, isagoo sheegay in dalal badan xadgudub kula kacaan Muslimiinta.

Previous Post

Wasaaradda amniga Galmudug oo ka digtay boobka Dhulka danta guud ee Hobyo

Next Post

Ciidan ka tirsan kumaandooska Danab oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho+SAWIRRO

Next Post
Ciidan ka tirsan kumaandooska Danab oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho+SAWIRRO

Ciidan ka tirsan kumaandooska Danab oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho+SAWIRRO

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In