Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Premier Bank oo $21,000 ku abaalmariyay ardaydii ku guuleysatay Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Premier Bank oo $21,000 ku abaalmariyay ardaydii ku guuleysatay Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bangiga Premier ayaa xalay Muqdisho ku qabtay xaflad uu abaalmarin maaliaydeed oo l$21,000 ah ku guddoonsiiyay seddaxdii arday ee kaalmaha hore ka gashay Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga oo markii ugu horreysay bangigu sanadkaan u qabtay ardayda dhigata jaamacadaha Muqdisho ee leh hibada iyo halabuurka ganacsi.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda furay Madaxa Xiriirka Dadweynaha ee Premier Bank oo ka warbixiyay tartanka. Mudane Axmed-Nuur ayaa sheegay in ay tartankaan oo codsadeen illaa 31 hal-abuure oo uu bangigu u saaray guddi ku sameeyay qiimeyn hordhac ah. Wuxuuna sheegay in ay qiimeyntii guddiga ka soo gudbeen oo ay tartankan ka qeybgaleen 12 hal-abuure oo ka kala yimid 10 Jaamacadood.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Waxaa kaalinta koowaad galay Aaran Agrifarm oo uu ku tartamayay Cabdiraxmaan Sabriye oo ka scoday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku guuleystay $9,000. Kaalinta labaad waxaa galay Cagaaran Waste Management & Recycling oo uu ku tartamayay Ismaaciil Cabdalla Cali oo ka socday SIMAD University, wuxuuna ku guuleystay $7,000. Kaalinta seddaxaadna waxaa ku guuleystay Xirfadle Freelance Platform oo uu ku tartamayay Cabdirisaaq Geelle oo ka socday Jamhuriya University of Science and Technology, waxaana lagu abaalmariyay $5,000.

Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed Prof. Maxamed Maxamuud Bidey oo xafladda ka hadlay ayaa Premier Bank ku bogaadiyay tartanka, wuxuuna jaamacadaha ugu baaqay in ay u sii diyaargaroobaan tartankan oo sanad kasta lagu qaban doono Muqdisho. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo xafladda soo xiray ayaa Premier Bank ku bogaadiyay taageeridda dhalinyarada leh hibada iyo hal-abuurka ganacsi, wuxuuna bangiga ku ammaanay kaalinta ay leeyihiin dib-u-dhiska dalka iyo sida ay dhalinyaradaan uga taageereen hirgelinta hal-abuurkooda iyo rumeynta riyooyinkooda.

Waxaa xusid mudan in uu bangigu tartankaan oo kale uu sanadkii shanaad ka qabtay magaalada Hargeysa. Maamulka Bangiga ayaana ballanqaaday in ay sanad kasta tartankan ku qaban doonaan Muqdisho, hadduu Alle idmo.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Buula-burte oo caawa u gudbay kama dambeysta tartanka (Final)

Next Post

Soomaaliya oo dib u furtay Safaaraddii ay ku laheyd Dalka Rwanda

Next Post
Soomaaliya oo dib u furtay Safaaraddii ay ku laheyd Dalka Rwanda

Soomaaliya oo dib u furtay Safaaraddii ay ku laheyd Dalka Rwanda

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In