Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Puntland oo guddi u saartay wax ka qabashada fatahaado ka dhashay roobab ka da’ay deegaannada Maamulkaas “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Puntland oo guddi u saartay wax ka qabashada fatahaado ka dhashay roobab ka da’ay deegaannada Maamulkaas “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo Dowladdu ka yeelatay sidii wax looga qaban lahaa waxyeelada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Gobolada Puntland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Labada Gole Dowladda , Hay’adda Wadooyinka Puntland, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee HADMA, Masuuliyiinta Mashruuca (TIS+ ee Hayádda USAID) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Puntland, waxaa lagu soo bandhigay warbixinaha hordhaca ah ee laga hayo khasaarikhii ka dhashay Roobabkii da’ay, oo ay ka mid ahaayeen Wadooyinka go’ay sida Wadada Lafa Goroyo ee, Wadada Laasqoray- Ceelaayo ee Gobolka Sanaag iyo Wadada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi isugu jira Wasiiro, Xildhibaanno iyo Culimo, kuwaasi oo ka shaqeyn doona wax ka qabashada khasaarihii ka dhashay Roobabka iyo abaabulka sidii loogu gurman lahaa dadka waxyeeladu gaartay.

Ugu danbeyn Mudane Axmed Karaash ayaa ku baaqay Dowlad, shacab iyo Hay’addaha deeqaha bixiya in dhammaan la isu taago sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaateysan, oo ay ugu horeyso meelaha xaaladaha adag ka jiraan ee Deegaannada Puntland.

 

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Daah-furay Ololaha 16ka Maalmood ee ka hortagga Tacaddiyada ka dhanka ah Jinsiga “SAWIRRO”

Next Post

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington DC oo la kulmay Jaaliyadda Ohio “SAWIRRO”

Next Post
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington DC oo la kulmay Jaaliyadda Ohio “SAWIRRO”

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington DC oo la kulmay Jaaliyadda Ohio “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In