Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Puntland oo imtixaan ka qaaday 80 qof oo u tartamaya shaqooyin ka banaan Xarumaha Maamulka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Puntland oo imtixaan ka qaaday 80 qof oo u tartamaya shaqooyin ka banaan Xarumaha Maamulka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda shaqaallaha rayidka ah ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta qaaday Imtixaan ay u fariisteen 80 qof oo isugu jira 20 Rag iyo 60 Dumar ah,  kuwaas oo u tartamayey boosaska  kaydinta xogta dowladda oo loo qaadanay 7 kamid ah hay’adaha ee ka faa’iideysanaya mashruuca tayaynta iyo shaqaalaysiinta ee uu Baniga adduunku ka caawinayo Puntland.

Imtixaanka ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Library-ga, iyadoona loosoo diyaariyey hab casri ah  oo ka beddelan qaabkii hore ee loo diyaarin jirey imtixaanka si loo  ilaaliyo  hufnaanta imtixaanka isla markaana loo dhowro kalsoonida tartameyaasha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Qorshaha loo qaadanayo shaqaalahaan cusub ayaa ah sidii loo heli lahaa shaqaale xirfad iyo aqoon u leh hannaanka kaydinta xogta ama arkiifiyada si loo tayeeyo waxna looga beddelo qaabkii hore ee loo kaydin jirey xogta Maamulka.

Shaqaalahaan cusub ayaa markii la qaato waxa ay ka kala hawl-geleyaan xarumaha Wasaaradaha Qorshaynta, Beeraha, Xannaanada Xoolaha,  Kalluumaysiga, shaqada iyo shaqaala, Bangiga iyo hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee dawlad Goboleedka Puntland.

Previous Post

Ra’iisul wasaare Kheyre oo la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Safiirka Dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Safiirka Dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Safiirka Dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In