Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaabkee loo bixiyaa Sakaatul-fitriga? (MAQAAL)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Qaabkee loo bixiyaa Sakaatul-fitriga? (MAQAAL)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026

Haddaan gudagalo mowduuca aan maanta soo qaadanayo waxa uu yahay Sakaatul-fitiga, maadaama uu soo gabagaboobayo Soonka oo lagu jiro Maalintii ugu dambeysay, haddaba marka hore aan is weydiino waa maxay Sakaatul-fitriga?

Sakada Fidridu waa mid ka mid ah Sakooyinka ku waajibka ah ruux kastoo Muslim ah oo haysta wax ka badan cuntada Maalinta iyo Habeenka Ciidufidrida.

Waa Maxay xukunka Sakaatul-fitriga?
Xukunka Sakada Fidridu waa ku waajib qofkasta oo Muslima oo haysta cunto ka badan Isaga iyo Caruurtiisa maalinta Ciida iy Habeenkeedaba, waxaana u daliila Xadiiskan:

عن ابن عمر رضي الله عنهما قال فرض رسول الله صلى الله عليه وسلم زكاة الفطر صاعا من تمر أو صاعا من شعير على العبد والحر والذكر والأنثى والصغير والكبير من المسلمين وأمر بها أن تؤدى قبل خروج الناس إلى الصلاة
Ibnu Cumar Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu waajibiyey Sakada Fidrida hal galaan oo Timir ah ama Hal galaan oo Qamandi ah, (wuxuuna ku waajibiyey) Adoonka, Xorta, Labka, Dhidiga, Caruurta iyo Waayeelka Muslimiinta, wuxuuna faray inay bixiyaan kahor intaan Dadku u bixin Salaada

Fitrada Waa Sadaqo la bixiyo Soonka markii la Furo, Fitrada Waajibnimadeeda waxa Cadeyn u ah:- Ibanu Cabaas RC, wuxuu yiri: Nabiga CSW wuxuu nagu Waajibiyay Fidrada, wuxuuna yiri waxay Daahirineysaa Qofki Soomanaa Qaladaadkii ka Dhacay sida Hadaladii Macna La’aanta ahaa iyo Caayda iyo wixii la mid ah.

WAQTIGEY WAAJIBTO & QOFKEY KU WAAJIBTO.
Fitradu Waxay Waajibtaa:- Maalinka ugu Dambeeyo Bisha Soon, Asxaabta Rasuulka CSW waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen Maalin ama laba Maalmood ka hor Maalinka Ciida ah, bixinteeda waxaa ugu dambeysa marka Salaada Ciida la galo.
yay ku waajibtaa Sakaatul-fitriga?
Fitrada waxay ku Waajibtaa Qofkasta oo Muslim ah oo haysta wuxuu Cuno isaga iyo Dadka uu mas’uulka ka yahay, Maalinka Ciida ah iyo Habeenkeeda wax ka dheeraad ah.
CABIRKA LA BIXIYO & NOOCYADA LA BIXINAAYO:-
Abii Saciidul Khudri RC, wuxuu yiri:- waxaanu aheyn kuwa Bixiya Xilligii Nabiga CSW, Saac oo Raashin ah. (Saacu wuxuu u Dhigmaa Labo Kiilo iyo Afartan Garaam), Cuntada la Bixinaayo waa Cuntada Dadka badankii Cunaan sida:- Bariiska, Baastada, Burka, Sonkorta, Qamadiga iwm. Nabiga SCW iyo Asxaabtiisa Allaha ka raali noqdee kama sugnaanin inay Lacag ku bixiyeen taa Macnaheeda wuxuu yahay Lacag laguma bixin karo, laakiin Lacagta aad ku bixiseen waa in Raashin loogu gadaa Masaakiinta, ee aanan lagu Siin Lacag Cadaan ah.

YAA LA SIIN KARAA FITRADA?
Waxaa la siinayaa Qofkasta oo Miskiin ah iyo Todobada kale ee ay Aayada Sheegtay, waxaan ajar badan, oo waliba Afdal ah inaad siiso Masaakiinta Magaalada kula joogo, Miskiinka waa Qofkasta oo wixiisa aysan ku filnayn.
SIDEE LOO BIXINAYAA?

Qofkasta oo bixinaya Sakaatulfitriga waa inuu Raadiyo Miskiinka Ehelkiisa ah, haddii la waayo Maskiinka Deriskiisa ah, haddii la waayana Qofkasta oo Muslima ah.

W.D:- C/laahi Ruush

Previous Post

QM oo si kulul u cambaareysay tacadiyada Israel ay ku hayso Falastiin

Next Post

Turkish Military in Qatar: Bonds of mutual trust

Next Post
Turkish Military in Qatar: Bonds of mutual trust

Turkish Military in Qatar: Bonds of mutual trust

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In