Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada Sare ee Gaalkacyo oo dhiirigelin loo sameeyey

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada Sare ee Gaalkacyo oo dhiirigelin loo sameeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo ay soo Agaasimeen Maamulka iyo Ardayda Dugsiga hoose dhaxe iyo Sare ee Geeska Afrika isla markaana aheyd mid dhiirigalin loogu sameeynayay Dufcaddii 1aad ee ka baxda dugsiga Sare ee Geeska Afrika kuwaasi oo Waxbarashadooda fasalka koowaad ee dugsiga hoose iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare ee Geeska Africa ku qaatay ayaa waxaa ka qeyb masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo Maamulka Dagmada Gaalkacyo.

Ugu horeyn Maamulaha iskuulka Shuceyb Macalin Cabdi oo isaga iyo Allaha Unaxariista Maxamed Cabdi Fiimto ay u dileen khawaarijtu maxaa ubadka ugu jiheeyneeysaa jidka toosan ayaa ka warbixiyay ujeedka Munaasabada waxaana uu sheegay in hamigoodii 12 sano ka hor uu mira dhalay ayna ku faraxsan yihiin Maamulkii Macalimiintii iyo waalidiintii intaas usoo samreeysay xaalado kasta oo lasoo marayna maanta la joogo guushii ay rajeynayeen gaaristeeda

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Duqa Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa ka codsaday Bulshadii ka qeyb gashay munaasabada in ay alle u baryaan Aasaasihii iskuulka oo ay dileen khawaarijta Arxanka daran ee Al shabaab iyagoo diidanaa waxbarida ubadka Soomaaliyeed.

Munaasabada oo intii ay socatay ay ka hadleen waalidiin aqoon yahano sidoo kalana ardayda dugsiga geeska Afrika ay kusoo bandhigeen heerkooda aqooneed taas oo ay ka wada maqsuudeen dhamaan ka qeyb galayaashii munaasabada.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Mudug ee Wasaarada Waxbarashada Galmudug Axmed Jaamac Aadan Qoodeey ayaa sheegay in boqolkiiba todabaatan iskuulada ku yaala Gobalka Mudug ay gacanta ku hayaan Wasaaradaha Waxbarasho ee heer Fadaraal iyo Heer dowlad Gobaleed sidoo kalana ay rajeynayaan in sanadka soo socda ay kasii bataan, isagoo xusay in Dugsiga Hoose dhaxe ee Horn Afrika ama Geeska Afrika uu ka mid noqon doono iskuulada Wasaaraduhu maamulaan maadaama uu ka mid yahay dugsiyada ay ka muuqato tayo aqooneed.

Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Belgium ee Kenya

Next Post
Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Belgium ee Kenya

Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Belgium ee Kenya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In