Qaar kamid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Maanat booqday Qaar kamid ah Isbitaalada ay ku jiraan Bukaanaddii dhowaan kusoo dhaawacmay Qaraxii Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Gobolka Banaadir.
XIldhibaanadda oo kala ah Xil Farxiyo Xasan Axmed, Xil Xiisa Xasan Aadan, Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun iyo Xildhibaan Xabiibo Axmed Haaruun, ayaa booqday Isbitaalada Madina, Digfeer, Daarulshifa iyo kuwa kale, iyaggoo Bukaanadii Isbitaaladaasi ku jiray Gaarsiiyey Deeq lacageed oo ay iska soo arruuriyeen dhexdooda.
Waxaa sii kordhaya Deeqaha kala duwan ee la gaarsiinayo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii aadka u cusluu ee Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, qaraxaas oo ay ku dhinteen dad ku dhow 300 oo qof.