Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qadar iyo Turkiga oo gargaar gaarsiiyey Dadka ku waxyeelloobey fatahaadda Webiga Shabeelle-(Sawirro)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Qadar iyo Turkiga oo gargaar gaarsiiyey Dadka ku waxyeelloobey fatahaadda Webiga  Shabeelle-(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Midowga hay’adaha gargaarka Qadar ee (Qatar Charity)  iyo Dowladda Turkiga ayaa deeq gargaar oo kala duwan gaarsiisay Dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddii uu Webiga Shabeelle ka sameeyay Magaalada Baladweyne,iyado wafdigaasina uu hoggaaminayay kusimaha raiisul Wasaaraha dalka ahna raiisul Wasaare kuxigeen.

Hay’adaha Qatar Charity, Bisha Cas ee Turkiga iyo hay’adda TIKA, ayaa Baladweyne geeyay deeq isugu jirtey  Lix nooc oo Raashin ah , waxaana ka faa’iideystay Shan Kun oo Qoys (5 Kun), waxa kaloo halkaasi la gaarsiiyey  Saddex Kun oo Bacaha   Roobka laga galo ah, iyadoo loo sameeyay  Boqol Musqulood, waxanay sidoo kale hay’adahaasi  halkaas ka billaabeen Biyo dhaamin, si Dadka u helaanBbiyo nadiif ah.

Related posts

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026

Mudane Mahdi Maxamed Guulleed(Qadar) kusimaha raiisul wasaaraha Soomaaliya ahna raiisul wasaare kuxigeen ayaa deeqdaasi guddoonsiiyay madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare,iyadoo xubnaha wafdigaasi ay kamid ahaayeen Danjiraayasha  Dowladaha aan Walaalaha nahay ee Qatar iyo Turkiga, Xildhibaanno iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda gargaarka,  waxayna dhamaantood sheegeen inay aad uga damqadeen dhibaatada baaxadda leh ee ay Fatahaaddu geysatay.

Cabdi Nuur Xaaji Cali Mursal, oo ku hadlay Magaca midowga hay’adaha Dowladaha Turkiga iyo Qadar ayaa sheegay in gargaarkan uusan ahayn kii ugu horreeyey, balse ay jiraan  gurmadyo badan oo wax looga qabad doono Dadka tabaalaysan.

Masuuliyiinta Dowladda federaalka ee halkaasi ku sugnayd ayaa intii howshan ku gudo jireen waxay Lagac gaaraysa Boqol Kun oo Doollar (100,000$) guddoonsiiyeen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed  Cabdi Waare, taasoo ka timid maamulka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa halkaasi kaga dhawaaqay Hal Milyan oo Doollar oo ay Dowladda dhexe ugu tala gashay in la gaarsiiyo Dadka ay waxyeellada ballaadhan ka soo gaadhay fatahaadda Webiga Shabeelle.

“Dowladaha TUrkiga iyo Qadar oo ka jawaabayay baaqyada dowladda Soomaaliya waxaan dhihi karnaa garab istaaga Turkiga mid aad u wanaagsan,waxaan leenahay waa wiilashii Cusmaaniyiinta oo dib u soo rogaal celiyay,sidoo kale Dowladda Qadar oo walaalo nahay way nugu weynyihiin markasta way nagarabtaaganyihiin,waxaan leenahay waad mahadsantihiin,mudane Madaxweyne dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku deeqday 1 Milyen oo dollar,gobolka Banaadir 100 kun oo dollar iyo shirkadaha ganacsi,naga guddoon Jeed ay lacagtaasi ku qorantahay”. ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeele ayaa uga mahadceliyay dowladda Federaalka Soomaaliya,dowladaha Qadar iyo Turkiga oo muujiyay isgarabtaag dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiga Shabeele.

Previous Post

Shirka iskaashiga dhaqaalaha dalalka Afrika iyo Japan oo ka Furmay Magaalada Johannesburg+Sawirro

Next Post

Somalia Security High Level Meeting Joint Declaration

Next Post
Somalia Security High Level Meeting Joint Declaration

Somalia Security High Level Meeting Joint Declaration

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

January 22, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagan yihiin Ciidamada Amniga Jubbaland, isla markaana kaashanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In