Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qadar iyo Turkiga oo gargaar gaarsiiyey Dadka ku waxyeelloobey fatahaadda Webiga Shabeelle-(Sawirro)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Qadar iyo Turkiga oo gargaar gaarsiiyey Dadka ku waxyeelloobey fatahaadda Webiga  Shabeelle-(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Midowga hay’adaha gargaarka Qadar ee (Qatar Charity)  iyo Dowladda Turkiga ayaa deeq gargaar oo kala duwan gaarsiisay Dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddii uu Webiga Shabeelle ka sameeyay Magaalada Baladweyne,iyado wafdigaasina uu hoggaaminayay kusimaha raiisul Wasaaraha dalka ahna raiisul Wasaare kuxigeen.

Hay’adaha Qatar Charity, Bisha Cas ee Turkiga iyo hay’adda TIKA, ayaa Baladweyne geeyay deeq isugu jirtey  Lix nooc oo Raashin ah , waxaana ka faa’iideystay Shan Kun oo Qoys (5 Kun), waxa kaloo halkaasi la gaarsiiyey  Saddex Kun oo Bacaha   Roobka laga galo ah, iyadoo loo sameeyay  Boqol Musqulood, waxanay sidoo kale hay’adahaasi  halkaas ka billaabeen Biyo dhaamin, si Dadka u helaanBbiyo nadiif ah.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Mudane Mahdi Maxamed Guulleed(Qadar) kusimaha raiisul wasaaraha Soomaaliya ahna raiisul wasaare kuxigeen ayaa deeqdaasi guddoonsiiyay madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare,iyadoo xubnaha wafdigaasi ay kamid ahaayeen Danjiraayasha  Dowladaha aan Walaalaha nahay ee Qatar iyo Turkiga, Xildhibaanno iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda gargaarka,  waxayna dhamaantood sheegeen inay aad uga damqadeen dhibaatada baaxadda leh ee ay Fatahaaddu geysatay.

Cabdi Nuur Xaaji Cali Mursal, oo ku hadlay Magaca midowga hay’adaha Dowladaha Turkiga iyo Qadar ayaa sheegay in gargaarkan uusan ahayn kii ugu horreeyey, balse ay jiraan  gurmadyo badan oo wax looga qabad doono Dadka tabaalaysan.

Masuuliyiinta Dowladda federaalka ee halkaasi ku sugnayd ayaa intii howshan ku gudo jireen waxay Lagac gaaraysa Boqol Kun oo Doollar (100,000$) guddoonsiiyeen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed  Cabdi Waare, taasoo ka timid maamulka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa halkaasi kaga dhawaaqay Hal Milyan oo Doollar oo ay Dowladda dhexe ugu tala gashay in la gaarsiiyo Dadka ay waxyeellada ballaadhan ka soo gaadhay fatahaadda Webiga Shabeelle.

“Dowladaha TUrkiga iyo Qadar oo ka jawaabayay baaqyada dowladda Soomaaliya waxaan dhihi karnaa garab istaaga Turkiga mid aad u wanaagsan,waxaan leenahay waa wiilashii Cusmaaniyiinta oo dib u soo rogaal celiyay,sidoo kale Dowladda Qadar oo walaalo nahay way nugu weynyihiin markasta way nagarabtaaganyihiin,waxaan leenahay waad mahadsantihiin,mudane Madaxweyne dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku deeqday 1 Milyen oo dollar,gobolka Banaadir 100 kun oo dollar iyo shirkadaha ganacsi,naga guddoon Jeed ay lacagtaasi ku qorantahay”. ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeele ayaa uga mahadceliyay dowladda Federaalka Soomaaliya,dowladaha Qadar iyo Turkiga oo muujiyay isgarabtaag dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiga Shabeele.

Previous Post

Shirka iskaashiga dhaqaalaha dalalka Afrika iyo Japan oo ka Furmay Magaalada Johannesburg+Sawirro

Next Post

Somalia Security High Level Meeting Joint Declaration

Next Post
Somalia Security High Level Meeting Joint Declaration

Somalia Security High Level Meeting Joint Declaration

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In