Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qado sharaf loo sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Qado sharaf loo sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Imaan Maxamed Yusuf Cali Imaan ayaa maanta kulan qado ah ugu sameeyey Muqdisho Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, waxaana kulanka qadada uu ahaa mid ku salaysan dhaqan, iyadoo alaabta wax lagu cunayey iyo qaabka loo diyaariyey ay ka muuqatay in la joogo baadiyiihi.

Kulanka qadada waxaa ka qeyb galay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Caaqilo, Nabadoono, Wasiiro, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano, Haween, Ganacsato, Guddoomiyeyaasha Degmooyina gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Ugaaska Maxamuud Cali Ugaas oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in, isagoo in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta qado Sharaf balaaran ay ugu sameeyaan Boqor Burhaan Boqor Muuse oo aad looga qadariyo gayiga Soomaaliyeed.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo goobta ka hadlay ayaa aad ugu mahdiyey sida qadarinta leh ee ay maanta u sooreen duubabka Muqdisho, isagoo sheegay arinkaan inuu muujinayo sida ay dhaqanka u ilaaliyaan.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo goobta ka jeediyey khudbad dheer oo isugu jirtay taariikh hore iyo sidii hada Soomaaliya ay isugu soo dhawaanayso ayaa sheegay iney isaga iyo salaadiinta Soomaaliyeed ay ka balameen sidii midnimada Soomaaliya loo soo celin lahaa.

Boqorka oo ka hadlay safarkii dheeraa uu ku tagay dalka dibadiisa ayaa ku tilmaamay in safarkaas uu qayb ka ahaa sidii Soomaali laysugu keeni lahaa, wuxuuna boqorku sheegay in dadka qurb joogta ah ay yihiin caqligii dalka, kuna booriyey inay dalka dib ugu soo laabtaan.

Imaan Maxamed Yuusuf Imaan Cali oo xaflada soo xiray ayaa si qoto dheer ugu duceeyey dadkii meesha ka soo qayb galay, isagoo sheegay iney tagi doonaan gobolada Soomaalida oo dhan, si uu u muujiyo isu keenidda Soomaalida, wuxuuna Imaanku ilaahay uga baryey shacabka Soomaaliyeed in bogooda burcad isu mariyo, dhanka kale Imaamka ayaa gudoonsiiyey Hadiyado Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse.
IMG_5519 IMG_5528 IMG_5550 IMG_5553 IMG_5555 IMG_5584 IMG_5627 IMG_5630 IMG_5631 IMG_5682 IMG_5692 IMG_5741 IMG_5790 IMG_5809 IMG_5835 IMG_5844 IMG_5943 IMG_5953 IMG_5968 IMG_5989

Previous Post

Banaanbax ka dhacay dalka Koonfur Afrika

Next Post

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka furay Cadaado wajigii labaad ee shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka furay Cadaado wajigii labaad ee shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka furay Cadaado wajigii labaad ee shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe “SAWIRRO”

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In