Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qado sharaf loo sameeyey R/Wasaare Rooble iyo madaxdii ka qeyb gashay Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Qado sharaf loo sameeyey R/Wasaare Rooble iyo madaxdii ka qeyb gashay Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad qado Sharaf ah oo madaxweeynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle u sameeyay madaxdii iyo wafuudii ka soo qeyb gashay caleemo saarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Jabuuti horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Geelle, isaga oo u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono dadaalladaas.

Related posts

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, waxa ayna kala hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeyo dalkeenna.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti waxaa ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Xubno kale oo ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taallada SYL “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Africom “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Africom “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Africom “SAWIRRO”

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In