Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro: XFS oo ka laabatay go’aankii ONLF iyo Qalbi-Dhagax argagixisada loogu aqoonsaday

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada XFS oo maanta kulan yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kadib markuu ogaaday in Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 36aad uu mamnuucayo in qof loo dhiibo dal kale haddii aanu jirin heshiis si cad u fasaxaya isu-dhiibista, qofka la dhiibayana aan eed lagu soo oogin ama aynan maxkamadi xukumin, isla markaana dhiibitiisa aan loo marin waddada sharcigu qeexayo;
Ka dib markuu soo xaqiijiyay in aanu jirin heshiis isu dhiibis oo ay Soomaaliya la gashay Ethiopia.

Ka dib markay u caddaatay in dhiibistu sharci darro noqonayso haddii aan la buuxin labada shardi ee uu dhigayo qodobka 11aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya oo kala ah:

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

1) in falka uu gaystay kan la dhiibayo uu dambi ka yahay dalka wax dhiibaya iyo kan loo dhiibayo labadaba ;

2) in haddii uu dambiile noqdo qofka la dhiibayaa aanu dambigaasu ahayn mid siyaasadeed;

Ka dib markuu soo xaqiijiyay in Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin;

Ka dib markuu ogaaday in ururka ONLF aanu marnaba ku sifoobin sharciyada caalamiga ay u qeexaan argagixisada oo dalka kaliya ee argagixso u aqoonsadayna ay tahay Ethiopia oo uu ka dhaxeeyay dagaal siyaasadeed oo iyaduna hadda ka laabatay go’aankaas, uu haatan ururku si caadiya uu uga hawl-galo gudaha dalka Itoobiya.

Kad bib markuu ku qancay in u dhiibistii Ethiopia loo dhiibay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) 28kii August 2017 iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 6ii September ee Uruka ONLF loogu aqoonsaday argagixiso aan loo cuskan wax sharciyad ah ayna baal-marsanayd dhammaan shuruucda kor lagu xusay;

Ka dib markii Golaha Shacabku ee JFS si cad u diiday in ONLF argagixiso lagu tilmaamo iyo in Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) loo dhiibo Ethiopia, aanu wali golaha wasiiradu baddalin go’aankiisii uu ONLF ugu daray argagixisada uusanana qirin khaladkii dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Ayuu isku Raacay:

1- In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.

2- In dhiibistu ay xad-gudub ku ahayd xuquuqaha shakhsi ahaaneed ee Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) sida xaqa qofku u leeyahay xorriyad iyo ammaan ee lagu xusay qodobka 15aad ee Dastuurka iyo xaqa u madax-bannaanida aragtida iyo u xor ahaanshaha cabbirka ra’yiga ee ku xusan qodobka 18aad ee Dastuurka.

3- In dhiibista CadikariinSh Muuse ay si weyn uga hortimid dareenka iyo mabaadida Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad.

4- HADDABA Dawladda Soomaaliya waxa ay raali galin ka bixinaysa gefkii lagula Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

5- In ururka ONLF aanay dawladda Soomaaliya u aqoonsanyn argagixiso oo go’aankii golaha wasiirada uu 6dii September 2017 ONLF ugu aqoonsaday argagixiso uu ahaa sharci darro, halkanna lagu baabi’yay.

Previous Post

Gudoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka D/Kaxda oo qarax Miino lagu dilay

Next Post

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo soo dhaweeyey go’aankii golaha wasiirrada Soomaaliya

Next Post
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo soo dhaweeyey go’aankii golaha wasiirrada Soomaaliya

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo soo dhaweeyey go'aankii golaha wasiirrada Soomaaliya

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In