Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo Kenya ugu baaqday inay ilaaliso xorriyadda saxaafadda

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo Kenya ugu baaqday inay ilaaliso xorriyadda saxaafadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan xuquuqul insaanka ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqday inay tixgeliso ammarka ka soo baxay maxkamadda sare ee Dalkaasi, dibna u howl geliso warbaahintii hawada laga saaray dhawaan.

Dowladda Kenya ayaa albaabbada isugu dhufatay Taleefishinnada kala ah ,Citizen, NTV Inooro iyo KTN, markii ay baahiyeen dhaarintii Railla Odinga loo dhaariyay inuu Kenya ka yahay madaxweyne, xilli doorasho ku celis ahayd oo dhawaan ka dhacday Dalkaasi looga adkaaday xisbiga uu hoggaamiyo ee NASA.

Dowladda Maraykanka, iyo midowga Yurub ayaa horay ugu soo jeediyay xukuumadda Kenya inay dib u howl geliso warbaahinta ay xayiraadda kusoo rogtay, iyagoo ugu baaqay inaanan la caburin xorriyadda saxaafadda kuna xadgubin xeerka ka yaalla warbaahinta caalamka.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Dalka Kenya ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladdooda inay jebisay sharciga dhigayaa in warbaahintu ay leedahay xorriyad, taasi oo ay horay u ballanqaaday Dowladda haatan ka arrimiso Kenya inay ilaalin doonto xorriyadda saxaafadda.

Dowladda Kenya ayaanan weli u hoggaansamin ammarka Maxkamadda sare ee Dalkaasi iyo baaqa ka imaanaya Qaramada midoobay iyo waddamada saaxiibbada la ah Kenya, waxaana Maalintii Saddexaad hawada ka maqan qaar ka mid ah Taleefishinnada ugu caansan gudaha Dalka Kenya.

Isha/ Daily Nation

Previous Post

Maamulka Gobolka Benaadir oo yeeshay kulan looga hadlayay Dakhliyada Gobolka.

Next Post

Diyaarada ay lahaayeen Militariga Ruushka oo lagu soo riday Syria

Next Post
Diyaarada ay lahaayeen Militariga Ruushka oo lagu soo riday Syria

Diyaarada ay lahaayeen Militariga Ruushka oo lagu soo riday Syria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In