Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Nicholas Kay oo cambaareeyay weerarkii Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay doorashada afhayeenka baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan ammaan u jeedinayaa Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Guddiga farsamada, xubnaha baarlamaanka cusub, sida ay isugu dubarideen doorashada Afhayeenka baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug iyo ku-xigeenadiisa, isla markaana doorashada Madaxtinimada ay adkeeyaan oo ay ku dadaalaan sidii uu u mira dhali lahaa” ayuu yiri Mr Kay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026

Danjire Kay ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo labadiisa ku-xigeen Xareed Cali Xareed iyo Maxamed Sheekh Axmed Macalin, waxa uunta intaa ku daray inuu si aad ah ku qanacsan yahay qaabka ay ku dhacday doorashada.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada uu la garab taagan yahay hannaanka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug oo maraya marxalad gabagabo ah, waxaana 4-ta July lagu wadaa in lagu soo gunaanado doorashada madaxweynaha oo lagu qabto magaalada Cadaado.

Previous Post

Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Next Post

Cidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka wada duleedka Leego

Next Post

Cidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka wada duleedka Leego

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026
0

Akhriatayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna. Halkan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

February 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Ha’yadda (NAP Global Network) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In