Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qatar oo ka qeyb galeysa Shir ka dhacaya Sucuudiga.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Qatar oo ka qeyb galeysa Shir ka dhacaya  Sucuudiga.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xili khilaaf Ba’ani horay uga dhexeeyay Dowladda Qatar iyo Dowladaha kale ee Khaliijka Carabta ee uu Sucuudigu Hugaamiyo Ayaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani waxa uu sheegay in uu  warqad casuumaad ah ka helay Boqor Salmanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya si uu uga  qayb galo shir deg deg ah oo ka dhacaya magaalada barakaysan ee Makka Al-mukaramah.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

 

Shirkan oo ay ka qaybgalayaan wadamadda ku bahoobay  Golaha Iskaashiga Gacanka Carabta  ayaa waxaa uu dhici doonaa 30’ka bishan May sida ay shaacisay wasaarada arimaha dibada dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sidookale helay fariintan xilli xoghayaha guud ee ururka GCC Axadii uu tagay magaalada Doxa.

Bishii June ee sanadkii 2017’dii ayay ahayd markii dalalka Sucuudiga, Masar, Baxrayn, iyo Imaaraatka ay xiriirka u jareen dalka Qatar iyagoona sidoo kale cunaqabateeno kasaaray dhulka, badda, iyo hawadaba.

Isbahaysigan uu hogaaminayo Sucuudiga ayaa waqtigaasi Qatar ku eedeeyay in ay taageerto waxa loogu yeero argagaxisda balse Doxa ayaa eedeemahaasi ku tilmaamtay waxba kama jiraan.

Arintaan ayaa loo arkaa mid qeyb weyn ka qaadan karta Isku soo dhawaanshaha Dowladda Qatar iyo Dowladaha Sucuudigu hugaamiyo ee horay xiriirka ugu jaray.

 

Previous Post

Wasaarada Waxbarshada XS oo maanta dib u qaadeysa Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyadda Sare ee Dalka.

Next Post

Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.

Next Post
Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.

Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In