Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qeybaha bulshada oo ka shiray Ceel laga qadayo duleedka degmada Xudur

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dhageyso: Sida Ciida looga diyaar garoobayo Magaalada Xudur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mashruucaan oo loogu magacdarey kasoo kabashada abaaraha bulshada ku dhaqan magaalada Xudur waxa siwada jir ah uga soo qeyb galay Maamulka Degmada Xuddur, Guddiga loo igmaday mashruucaan, shaqaalaha ACF iyo waxgaradka, waxana qabsoomidiisa isla kaashanaya Shaqadoon, hay’adda ACF iyo Bulshada reer Xudur, waana mashruuc wax looga qabanayo biyo la’aanta ka jirta degmada oo saamayn ku yeelata nolosha dadka iyo duuyadaba xilliga roobabka ay yar yihiin.

 

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Ugu horeyn waxa faafaahin ka bixiyay hirgelinta mashruucaan wakiila shaqodoon ee degmada Xudur Ciise Aadan Nuur wuxuna sheegey in bulshada looga baahan yahay in ay bixiyaan 50% taas oo ah kalabar dhaqaalaha ku baxayo mashruuca qodista Ceel-riiga oo laga qodayo duleedka magaalada.

Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin oo daahfurey mashruuca ayaa bulshada ugu baaqey in ay ka qeyb qaataan horumarada ka socda deegaanka, isagoo dhinaca kalena baaq u direy Jaaliyadaha ka soo jeeda gobolka Bakool in kaalin tooda ay ka qaataan saamiga 50% ka ah ee bulshada lagarabo.

Qeybihii kalad uwanaa ee bulshadii ka soo qeyb galay munaasabadaan loogu magacdarey daahfurka ka soo kabashada abaaraha ee degmada Xudur ayaa aad u soo dhoweeyey, isla markaana balan qaadey in ay garab istaagayaan fulinta mashruucaan.

Intaa kadib Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya  Maxamed Noor Madoobe Nuunow iyo Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin ayaa si wadir ah u dhagax dhigey Ceelka laga qodayo degmada Xudur.

Mashruucaan ayaa hordhac u ah mashaariicyo kala duwan oo sadankaan horaantiisa laga fulin doono magaalada Xudur, hadii lagu guileysto hergelinta mashruucaan lagu qodayo Ceel-riigaan waxa yaraan doona dhibaatada biyo la’aaneed ee ka taagan xaafadaha iyo beeraha ku teedsan magaalada Xudur waa hadii biyo gelin loogu sameeyo.

Previous Post

Dood ku saabsan doorka Bulshada Rayidka ah ee hanaanka dhismaha dowladnimmada oo  lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Lix diblomaasi Soomaali ah oo u kicitimay Sucuudiga si tababar diblomaasiyadeed ugu soo qaataan “SAWIRRO”

Next Post
Lix diblomaasi Soomaali ah oo u kicitimay Sucuudiga si tababar diblomaasiyadeed ugu soo qaataan “SAWIRRO”

Lix diblomaasi Soomaali ah oo u kicitimay Sucuudiga si tababar diblomaasiyadeed ugu soo qaataan "SAWIRRO"

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In