Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qeybaha bulshada oo ka shiray Ceel laga qadayo duleedka degmada Xudur

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dhageyso: Sida Ciida looga diyaar garoobayo Magaalada Xudur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mashruucaan oo loogu magacdarey kasoo kabashada abaaraha bulshada ku dhaqan magaalada Xudur waxa siwada jir ah uga soo qeyb galay Maamulka Degmada Xuddur, Guddiga loo igmaday mashruucaan, shaqaalaha ACF iyo waxgaradka, waxana qabsoomidiisa isla kaashanaya Shaqadoon, hay’adda ACF iyo Bulshada reer Xudur, waana mashruuc wax looga qabanayo biyo la’aanta ka jirta degmada oo saamayn ku yeelata nolosha dadka iyo duuyadaba xilliga roobabka ay yar yihiin.

 

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ugu horeyn waxa faafaahin ka bixiyay hirgelinta mashruucaan wakiila shaqodoon ee degmada Xudur Ciise Aadan Nuur wuxuna sheegey in bulshada looga baahan yahay in ay bixiyaan 50% taas oo ah kalabar dhaqaalaha ku baxayo mashruuca qodista Ceel-riiga oo laga qodayo duleedka magaalada.

Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin oo daahfurey mashruuca ayaa bulshada ugu baaqey in ay ka qeyb qaataan horumarada ka socda deegaanka, isagoo dhinaca kalena baaq u direy Jaaliyadaha ka soo jeeda gobolka Bakool in kaalin tooda ay ka qaataan saamiga 50% ka ah ee bulshada lagarabo.

Qeybihii kalad uwanaa ee bulshadii ka soo qeyb galay munaasabadaan loogu magacdarey daahfurka ka soo kabashada abaaraha ee degmada Xudur ayaa aad u soo dhoweeyey, isla markaana balan qaadey in ay garab istaagayaan fulinta mashruucaan.

Intaa kadib Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya  Maxamed Noor Madoobe Nuunow iyo Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin ayaa si wadir ah u dhagax dhigey Ceelka laga qodayo degmada Xudur.

Mashruucaan ayaa hordhac u ah mashaariicyo kala duwan oo sadankaan horaantiisa laga fulin doono magaalada Xudur, hadii lagu guileysto hergelinta mashruucaan lagu qodayo Ceel-riigaan waxa yaraan doona dhibaatada biyo la’aaneed ee ka taagan xaafadaha iyo beeraha ku teedsan magaalada Xudur waa hadii biyo gelin loogu sameeyo.

Previous Post

Dood ku saabsan doorka Bulshada Rayidka ah ee hanaanka dhismaha dowladnimmada oo  lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Lix diblomaasi Soomaali ah oo u kicitimay Sucuudiga si tababar diblomaasiyadeed ugu soo qaataan “SAWIRRO”

Next Post
Lix diblomaasi Soomaali ah oo u kicitimay Sucuudiga si tababar diblomaasiyadeed ugu soo qaataan “SAWIRRO”

Lix diblomaasi Soomaali ah oo u kicitimay Sucuudiga si tababar diblomaasiyadeed ugu soo qaataan "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In