Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM, ATMIS, Mareykanka iyo dowlado kale oo war ka soo saaray weerarkii Hotel Hayat

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
QM, ATMIS, Mareykanka iyo dowlado kale oo war ka soo saaray weerarkii Hotel Hayat
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, dowladaha Mareykanka, Turkiga, UK iyo  Norway ayaa dhamaantood cambaareeyey weerarka ay argagixisada AL-Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo xalay lasoo afjaray.

Ugu horeyn qoraal ka soo baxay xafiiska xoghahaya guud ee QM ayaa lagu yiri, “Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerarka Argagixiso ee ka dhacay Xayat Hotel ee Magaalada Muqdisho, kaas oo billawday 19ka August, waxa aan murugada la qaybsanayaa qoysaska dhibbanayaasha & Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay way garab taagan tahay, Dadka dhaawacmay caafimaad degdeg ah ayaan u rajeynaa.”

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Ururka Midowga Afrika ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday inuu u rajeynayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo kabasho deg-deg ah.

“Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS wuxuu cambaareynayaa weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday Xayat Hotel, Ciidamada Federaalka waxa aan rajeyneynaa in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, si loo laab qaboojiyo ehelka dadkoodu dhibaatadu ay gaarsiiyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri, “Mareykanka waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerarka Argagixiso ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xayat Hotel, bukaannada dhaawacmay waxa aan u rajeyneenaa caafimaad taam ah, murada waxa aan la qaybsaneynaa dadka ehelkooda ku dhintay weerarkaan, waxa aan garab taaganahay Soomaliya.”

Dowladaha Turkiga, UK iyo Norway ayaa horay u soo saaray qoraalo sidaan oo kale ay ku cambaareynayaan weerarkaas bahalnimada ah ee argagixisadu ay ka geysatay Muqdisho, waxayna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u balan qaadeen garab istaag.

 

Previous Post

Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay weerar ka dhacay Kismaayo

Next Post

Howlgalkii Hotel Xayaat oo lasoo afjaray iyo Taliye Xijaar oo ka hadlay

Next Post
Howlgalkii Hotel Xayaat oo lasoo afjaray iyo Taliye Xijaar oo ka hadlay

Howlgalkii Hotel Xayaat oo lasoo afjaray iyo Taliye Xijaar oo ka hadlay

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In