Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

UNHCR oo ka tacsiyeesay dilka mid ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu dilay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Hay’adda UNHCR oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Kenya “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warsaxaafadeed ay soo saartay Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR ayaa lagu sheegay in ay ka naxeen dilka Aamina Nuur Maxamed oo shalay gelinkii dambe koox hubeysan ay ku dishay magaalada Muqdisho.

“UNHCR waxay ka naxday dilka mid ka mid ah howlwadeenadeeda Aamina Nuur Maxamed oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho”sayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka baxay UNHCR.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

UNHCR oo fadhigeedu yahay Geneva ayaa sheegtay in Aamina Maxamed ay dileen kooxo hubeysan oo aan la aqoon, iyadoo wadatay baabuur gaar ah, waxaana lala dilay qof kale oo la socday baabuurka.

Madaxa Hey’adda UNHCR Antonio Guterres, ayaa sheegay dilka Aamina in uu wiiqi karo dedaallada shaqaalaha Qaramada Midoobay ay ka waddo Soomaaliya.

Mr. Guterres ayaa dhinaca kale sheegay in maanta oo Tallaado ah magaalada Geneva ee xarunta Qaramada Midoobay loogu sameen doono kulan baroordiiq ah oo marxuum Aamina Maxamed ku saabsan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo shaqaale ka tirsan QM lagu dilo Soomaaliya, bishii April ee sannadkan ayaa afar ka mid ah shaqaalaha hey’adda UNICEF la dilay kaddib markii qarax loogu xiray baabuur ay la socdeen magaalada Garoowe.

Bishii June sannadkii 2013-ka kooxo hubeysan ayaa weerartay dhismaha QM ee Muqdisho, waxaana ay ku dileen 16-qof.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Aamina, balse waxaa loo aaneynayaa inay ka dambeeyaan Al-Shabaab oo caadeystay dilka dadka wax galka ah.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Beledweyne

Next Post

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo Masar uga qeyb galay shir muhiim ah “Dhageyso”

Next Post
War-galin Muhiimah:Kulanka Todobaadka

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo Masar uga qeyb galay shir muhiim ah "Dhageyso"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In