Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qorshaha diyaarinta Istaraatiijiyadda Xalka waara oo ka furmay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Qorshaha diyaarinta Istaraatiijiyadda Xalka waara oo ka furmay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyohorumairnta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaiya ayaa maanta ka daahfurtay magalaada Dhuusamareeb Shir wadatashi ah oo ku saabsan diyaarinta qorshe howleedka Istaraatiijiyadda Xalka Waara 2021- 2022 ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Galmudug, Mudane Cabdinaasir Cilmi Geele, Agaasimaha guud, Agaasimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, qaar ka mid ah madaxda Wasaaradaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo Khubaro ka socda Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Soomaaliya.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Wadatashiga waxaa uu socan doonaa muddo saddex cisho ah, iyada oo lala tashanayo Wasaaradaha Ganactada, Ururrada bulshada rayidka, dadka barakaca uu saameyay iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimahan ee ka howl gala deeganada Galmudug.

Mudane Cabdullaahi Cumar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Galmudug ayaa hadalo kooban oo soo dhaweyn ah kadib, waxa uu sheegay in ahmiyad gaar ah uu u leeyahay shirka wada-tashiga.

Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa xustay in ahmiyadda wada-tashiga uu yahay sidii dowlad goboleedka Galmudug xil adag iska saari lahayd arrimaha xalka waara.

“Fulinta Istaraatiijiyadda Xalka waara (2020-2024). Ayadoo loo sii marayo diyaarinta qorshe hawleeda sanadka 2021-2024, ee ay yeelan doonto dowlad goboleedka Galmudug, kaas oo wax badan looga badali doono sidii xal waara ay u heli lahaayen Barkacayaasha, Qaxootiga iyo dadka dalk dib ugu soo laabtay ee ku sugan dowlad goboleedka Galmudug”. Ayay tiri Agaasime Zahra.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Galmudg Mudnae Cabdinaasur Cilmi Geelle ayaa sheegay in ay muhiim u tahay diyaarinta qorshe howlaadka 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Xalka waara dowlad gobaleedka Galmudug, ayna dardargalin doonaan hirgelinta qorshahaas.

Furitaankii barnaamijka Hirgalinta Istaraatiijiyadda Xalka ee maanta ka qabsoomay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa furay Wasiirka Qorshaynta Dawlad Goboleedka Galmudug mudane Cabdinasir Geele.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyey howlwadeennada Farsamada ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, kana socday Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

“horay ugama aanan fikirin in la horumariyo istaraatiijiyadda lagula tacaalo xaaladaha barakacayaasha iyo qaxootiga, laakiin hadda waxaa ilaahay mahadiis ah in xafiiska xalka waara ee Wasaaradda qorshaynta ay sameeyeen Istaraatiijiyadda soconaysa 2020-2021 oo lagula tacaalayo waxna looga qabanayo duruufaha barakacayaasha, qaxootiga iyo dadka dibadda dalka ka soo laabanaya” ayuu sii yiri wasiirka qorshaynta dowlad goboleedka Galmudug Wasiir Geelle.

Ugu dambeyntii shirka wadatshiga waxaa laga rajeynaa in ay ka soo baxaa Qorshe howleedka dowladd gobaleedka Galmudug ee xoogga saarayo Arrimaha barakaca iyo qaxootiga, kaas oo la jiho ah Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka waara.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Carruurta Eng Maxamed Cumur Saalixi

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Carruurta Eng Maxamed Cumur Saalixi

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Carruurta Eng Maxamed Cumur Saalixi

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In