Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qorshaha Hay’adda Caalamiga ah ee IOM ay kaga Hawl-galayso Soomaaliya 2019-2021 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Qorshaha Hay’adda Caalamiga ah ee IOM ay kaga Hawl-galayso Soomaaliya 2019-2021 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo Isniin ah, hay’adda IOM waxa ay daah-furaysaa qorshaheeda istiraatiijiyadda ee ay ka howgaleyso gudaha Soomaaliya (IOM Somaliya Mission Strategy)  muddada 2019-2021ka, iyada oo ay kala shaqeynayso Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya. Waxa kale oo daah-furkan ka soo qeyb-galay qeybaha kale ee daneeyeyaasha dawladda, kuwo heer Faderaal iyo mid maamul goballeed ba.

Hay’adda IOM, waxa ay ku faraxsan tahay in ay soo bandhigto qorshaheeda oo ah mid waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka ee dowladda Faderaalka Soomaaliya. Qorshahani, waxa uu diiradda saarayaa baahiyaha dalku u baahan yahay iyo sida IOM ay wax uga qabaneyso iyada oo ku saleynaysa howlahii waxtarka lahaa ee ay ka qabatay Soomaaliya laga soo bilaabo illaa 2006dii, waxaana ay hay’addu ka shaqeysaa dhammaan Dowlad goboleedyada oo dhan iyo gobolka Benaadir ee Soomaaliya oo ay u joogaan in ka badan 400 howlwadeen ah.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Intii uu shirka socday ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan wuxuu yiri “IOM waxa ay nala wadaagtay qorshahooda ku aadan dhaqan galinta istraatiijiyadda ay dalka ugu shaqeynayaan taas oo waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka, Wasaaradduna waxa ay xoogga saareysaa sidii ay IOM ugala shaqeyn laheyd fulinta qorshahooda cusub oo soconaya seddexda sano ay nagu soo aadan.

Qorshaha IOM, waxa uu ka kooban yahay saddex tiir oo waaweyn kuwaas oo kala ah gargaarka bani-Aadamtinnimo (Humanitarian Response), dib u soo kabashada iyo  helidda xal-waara (Recovery and Durable Solutions) iyo arimaha tahriibka iyo horumarinta (Migration Governance and Development).

Tiirka 1aad.

Gargaarka bani-Aadamtinnimo waa mid lagu badbaadinayo nafta dadka aafoyinka iyo dhibbaatooyinku haleeleen, waxaana ay hay’adda IOM ay diiradda saaraysaa siddii dadkaas looggu fidin lahaa gargaar bani-Aadamtinimmo oo deg deg ah.

Tiirka 2aad .

Soo kabashada iyo  helidd xal-waara, tan macnaheedu waxa weeyaan in hay’adda IOM ay sameyn doonto in dadkii gargaarka bani-aadamnimo loo fidiyey loo qaban doono waxyaabo xal u noqda jiritaankooda nololeed ee muddo dheer taas oo laga sameyn doono dhammaan Dowlad gobolleedyada, barakacayaasha dalka dhexdiisa iyo weli ba dadka dalka dib ugu soo noqdey

Tiirka 3aad.

Arimaha tahriibka iyo horumarinta oo ah tiirka saddexaad, waxa uu ka hadlayaa siddii hay’adaha dawladda loogala shaqeyn lahaa kor-u-qaadidda adeegyada loo qabanayo bulshada iyo siddii loo xoojin lahaa dawladnimada iyo horumarka.dhanka tahriibka.

Haddaba, si qorshahan loo hir-geliyo sannaddada soo socda, waxay IOM xoojinaysaa balan-qaadkeedii ahaa in ay si dhow u la shaqeyso Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Wasaaradaha Xukuumadda iyo Dawlad gobolleedyada..

Madaxa ugu sarreeya hay’adda IOM Dyne Epstein, waxay dawladda Somaliya uga mahad-celinaysaa wada-shaqeynta dhow ee sanadaddii hore ay la sameysay IOM, sida oo kale waxa ay hay’addu rajeynaysaa in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan oo dhan si hore looggu socdo.

Ms. Epstein oo hadalkeeda sii wadata, waxay tidhi: “ Si loo helo Soomaaliya xasiloon, waxay IOM balan-qaadeysaa in si xooggan ay uga shaqeynayso, Dalku wuxuu soo celiyay rejada iyo kobcinta khayraadka, waxaana aan ku faraxsanahay in aanu qeyb ahaano nidaamkaa socda.”

Previous Post

Guddoomiyaha cusub ee Xamar Jajab oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Ra'iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In