Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas ka soo cararay deegaannada Al-Shabaab oo ciidamada DANAB gaarsiiyeen deeq raashin ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Qoysas ka soo cararay deegaannada Al-Shabaab oo ciidamada DANAB gaarsiiyeen deeq raashin ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xilli ay isa soo tarayaan qoysaska naftooda oo qura kala soo cararaya dhibaatooyinka dilka iyo dhaca xaq darada ah ee ay  maleeshiyaada argagixisada ka geysanayaan meelaha far ku tiriska ah ee ay kaga sugan yihiin  Al-Shabaab deegaanada Galmudug ayaa waxaa ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee DANAB 21aad waxa ay gaarsiyeen gurmad ay ku caawinayaan qoysaskaasi qaarkood kuwaasi oo soo gaaray deegaanada Ceel huur iyo Qaran raaw ee Bariga Gobalka Mudug, iyagoo ay wajiyadooda ka muuqdaan dhibaatooyinkii ay kala kulmeen kooxda sharwadayaashaa ee Al-Shabaab.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Taliyaha ciidan DANAB 21aad Cabdicasiis Cabdullaahi Xogolof oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kaalmadan ay ugu talageen shacabka, isla markaana ay jiraan qorshayaal ku aadan sidii kooxdaasi loo soo afjari lahaa balse shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo kuwa dowlad Gobaleedka una istaagaan la dagaallanka kooxda naf la caarigaa ee haraadigoodu ku dhuumaaleysanayo dhulka howdkaa ee ku dhaw dhaw Degmada Xarar Dheere.

Qaar ka mid ah qoysaskii deeqda la gaarsiiyay ayaa ka mahad celiyay, iyagoo xusay in ay u tahay markii ugu horeysay oo ay arkaan ciidan bulshadooda la qeyb sanaya dhibaatada heysata.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab taasoo suurta gelisay in deegaanno fara badan oo horay kooxdaasi ugu sugnaayeen ay la wareegaan Ciidamada Qaranka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka oo iyagu ku sugan guud ahaan Goballada Dalka.

Waxaa Qoray Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

 

Previous Post

Gaalkacyo: Dhallinyaro la baray xirfado ay ku shaqeystaan oo la guddoonsiiyay Shahaadooyin “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha dowladda “Dhageyso”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha dowladda “Dhageyso”

Ra'iisul Wasaaraha Dalka oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha dowladda "Dhageyso"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In