Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas ku go’doonsan xaafadaha Baladweyne oo xaalad adag wajahaya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Qoysas ku go’doonsan xaafadaha Baladweyne oo xaalad adag wajahaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waaa mid ka mid ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka roobabka, waanna badweyn gudaheeda markaad eegto biyaha wada gaaray.

Xaafadda kooshin gaar ahaan waddada labaad ee halbowlaha u ah magaalada Baladweyne, waxaa soo maciin biday qoysas ay fatahaaddu ka soo barakicisay guryahooda, waa go’doon, malahan meel ay degaan, waxay baco ku xirteen biyaha dhexdooda, sariiro ay dhigteen oo ay ku jiiftaan, waxaana sariiraha hoostooda maraya, sida muuqaalka idin kaga muuqda biyaha ka soo fatahay wabiga Shabeelle.

Related posts

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026

Daruufo adag ayaa hayso qoysaskan oo ay ka mid yihiin hooy, hu’ iyo hunguri ay cunaan, warbaahinta qaranka oo booqatay goobaha ay qoysaskan ku dhaqan yihiin ayaa lagu arkayaa carruur ku jiifa sariir hoostooda ay biyo marayaan.

Cabdi-Shimaale oo ka mid ah qoysaskan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheeegay in aysan haysan hooy ay ka galaan dhaxanta iyo wax kasta oo dhib u keeni kara noloshooda, waxayna bannaakaas ay ku sugan yihiin marti ugu yihiin roob habeen iyo maalin kala joogsi lahayn oo korkooda ku bilowda kuna dhammaada, wuxuuna baaq u diray Dowladda federaalka iyo hay’adaha gargaarka in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah.

“Istaagga ayuu waaga noogu baryay, wuxuu ilaahey keennay waa ku shukrineynaa, marka hay’adaha gargaarka bixiya waxaan ka filaneynaa kheyr, Dowladda Hirshabeelle sidoo kale, waxaa ka filaneynaa in ay wax u qabato ummaddan,” ayuu yiri Cabdi-shimaale oo ka mid ah qoysaska ay saameynta ku yeesheen daadadka El-Nino.

Sannadihii ugu dambeeyay shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne waxay dhibane u ahaayeen daadadka soo noq-noqday ee wabiga Shabeelle,qaraxyo murugo reebay oo ay geysteen argagixisada iyo daadadka ka dhashay roobabkii da’ay, kuwaas oo dhibaatooyinka kala duwan u geystay shacabka.

Daadadka Baladweyne ku dhuftay ayaa wali biyiha ay sababeen ka buuxaan magaalada, roobabka oo aan wali kala joogsan ayay sheegeen dadka aar inaysan rajo ka qabin inay dhawaan ku laaban doonaan hoygoodii.

Previous Post

Madaxweynaha KGS oo kulan la qaatay Guddiga Xirriirka dowladaha Xubnaha ka ah DF ee Aqalka Sare

Next Post

Madaxda Isbitaalka Madiina oo agab kala duwan ku wareejisay Hay’adda SoDMA

Next Post
Madaxda Isbitaalka Madiina oo agab kala duwan ku wareejisay Hay’adda SoDMA

Madaxda Isbitaalka Madiina oo agab kala duwan ku wareejisay Hay’adda SoDMA

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In