Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhar iyo tikidho gaarsiiyay dhallinyaro xukun xabsi ah dhameystay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhar iyo tikidho gaarsiiyay dhallinyaro xukun xabsi ah dhameystay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa maanta deeq isugu jirta dhar iyo tikidho gaarsiiyay maxaabiis Soomaaliyeed oo dhameystay xabsiyo u dhaxeeya 9 ilaa iyo 8 sano.

Maxaabiistan oo tiradoodu ay gaarayso ilaa 7 dhallinyaro Soomaali ah ayaa dhameystay xabsiyo u dhaxeeya 9 ilaa iyo 8 sano, kaddib markii lagu eedeeyay falal burcadbadeednimo ah.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Qaar ka mid ah maxaabiista oo maalinta berri ah dib ugu soo laabanayo Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay deeqdan isugu jirtay dhar, tikidho iyo waraaqaha loo yaqaano “Go home” ka oo xabsi ku yaalla duleedka magaalada Nairobi uu maanta ugu geeyay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi).

“Waxaan aad u soo dhoweyneynaa deeqdan uu maanta noo keenay qunsulkeena Cali Bagadi, sidoo kale safiir Jamaal iyo dhammaan shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo aad noo caawin jiray intii aan xabsiga ku jirnay oo maanta oo u dambeysay noo keenay waxyaabihii aan gacan qabsi ka dhigan laheyn marka aan tagno dalkeena”ayay yiraahdeen qaar kamid ah maxaabiista xukunnada dhameystay.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka safaarad ahaan ay had iyo goor diyaar u yihiin caawinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan wadankan Kenya.

“Walaalayaal sida aad la socotaan 20 cisho ka hor waxaan xabsiga Kimiti ee duleedka magaalada Nairobi aan ku booqanay oo aan ka sii deynay muwaadiniin Soomaaliyeed oo xabsiyo dhameystay, maantana waxaan soo booqanay kuwo kale oo maalinta berri ah dib ugu laaban doono dalka Soomaaliya kaddib markii ay dhameysteen xabsiyadooda, Waxaan u keenay dhar, tikidho iyo go home yo” ayuu yiri Cali Bagadi.

IMG_0004 IMG_0009 IMG_0019 IMG_0037 IMG_0073 IMG_9916 IMG_9919 IMG_9932 IMG_9952 IMG_9974 IMG_9978

 

Previous Post

Xildhibaano iyo Madax kale oo deeq gaarsiiyay Degmada Xudur

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In