Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhar iyo tikidho gaarsiiyay dhallinyaro xukun xabsi ah dhameystay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhar iyo tikidho gaarsiiyay dhallinyaro xukun xabsi ah dhameystay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa maanta deeq isugu jirta dhar iyo tikidho gaarsiiyay maxaabiis Soomaaliyeed oo dhameystay xabsiyo u dhaxeeya 9 ilaa iyo 8 sano.

Maxaabiistan oo tiradoodu ay gaarayso ilaa 7 dhallinyaro Soomaali ah ayaa dhameystay xabsiyo u dhaxeeya 9 ilaa iyo 8 sano, kaddib markii lagu eedeeyay falal burcadbadeednimo ah.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Qaar ka mid ah maxaabiista oo maalinta berri ah dib ugu soo laabanayo Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay deeqdan isugu jirtay dhar, tikidho iyo waraaqaha loo yaqaano “Go home” ka oo xabsi ku yaalla duleedka magaalada Nairobi uu maanta ugu geeyay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi).

“Waxaan aad u soo dhoweyneynaa deeqdan uu maanta noo keenay qunsulkeena Cali Bagadi, sidoo kale safiir Jamaal iyo dhammaan shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo aad noo caawin jiray intii aan xabsiga ku jirnay oo maanta oo u dambeysay noo keenay waxyaabihii aan gacan qabsi ka dhigan laheyn marka aan tagno dalkeena”ayay yiraahdeen qaar kamid ah maxaabiista xukunnada dhameystay.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka safaarad ahaan ay had iyo goor diyaar u yihiin caawinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan wadankan Kenya.

“Walaalayaal sida aad la socotaan 20 cisho ka hor waxaan xabsiga Kimiti ee duleedka magaalada Nairobi aan ku booqanay oo aan ka sii deynay muwaadiniin Soomaaliyeed oo xabsiyo dhameystay, maantana waxaan soo booqanay kuwo kale oo maalinta berri ah dib ugu laaban doono dalka Soomaaliya kaddib markii ay dhameysteen xabsiyadooda, Waxaan u keenay dhar, tikidho iyo go home yo” ayuu yiri Cali Bagadi.

IMG_0004 IMG_0009 IMG_0019 IMG_0037 IMG_0073 IMG_9916 IMG_9919 IMG_9932 IMG_9952 IMG_9974 IMG_9978

Previous Post

Xildhibaano iyo Madax kale oo deeq gaarsiiyay Degmada Xudur

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In