Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga oo booqday Maxaabiis ku xiran Jiddah+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga oo booqday Maxaabiis ku xiran Jiddah+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

 

+Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Dalka Sacuudi Carabiya , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa booqasho ku tagay Xabsiga Shimees ee Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga,halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaaliyeed,taasi oo qeyb ka ah fulinta balanqaadyo uu sameeyay ee ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi jooga ay helaan adeegii ay qunsuliyadda uga mas’uulka ahayd, mar uu u waramay Wakaaladda(SONNA) goor sii horeysay.

Ujeedka booqashadiisa Amb Ilyaas Sheekh Cumar uu ku tagay xabsiyada ayaa la xiriirta sidii uu u raadin lahaa xuquuqda maxaabiista Soomaaliyeed ku jirta xabsiyada Dalkaasi Sucuudiga, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay madaxa Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Shimeys, Cabdlalla Xaaji, Agaasimaha Xarunta, Janaral Usaama Bin Millaax, Agaasimaha Xafiiska Wasaaradda arrimaha dibadda ee xarunta Shimeys, Β Al-Sayed Qaliil Bin Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Qunsulka, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa aad ugu kuur-galay xaaladda nololeed iyo tan caafimaad ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiga Shimeys,wuxuuna madaxdii uu la kulmay uu kala hadlay sidii loogu fududeynΒ  lahaa arrimohooda,islamarkaana ay aqbaleen in dadkaasi maxaabiista ah hadii la qabto ay muddo maalmo kooban gudahood ay dalkoodi hooyo ku soo celiyaan.

Wakaaladda Wararka(SONNA) ayaa la xiriirtay Amb Ilyaas Sheekh Cumar si ay xog badan uga ogaato marxaladda ay ku sugan yihiin maxaabiistaasi iyo wixii uu la kulmay qunsulka.

“Waxaan booqanay xabsiyada si aan u dabagalno xaaladda maxaabiista Soomalaiyeed oo aan cadaaladda deg-deg ah u raadinayno, mas’uuliyiintii aan la kulannay waxaan kala hadlay dhowr arrimood, sida in hadii muwaadin Soomaaliyeed la xiro uu deg-deg loogu fududeeyo howlihiisa.

Amb: Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta Xarunta Xabsiga Shimeys ee Magaalada Jidda, iyagoo ka wada hadlay sii xoojinta wada shaqaynta Labada dhinac,isagoo halkaasi ku guddoonsiiyay abaalmarino la xiriira wadashaqeynta wanaagsna oo ay muujiyeen sida shahaado sharaf, wuxuuna Qunsulka si gaar ah ugu mahad celiyay Boqorka Dalka Sacuudiga iyo dhaxalsugahiisa cafiskii gaarka ahaa ee ay u fidiyeen muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee iska bixin waayay Lacagtii dib u labashada ee halkaa ku xannibnaa.

Mas’uuliyiinta Dalka Sacuudiga ee uu la kulmay Qunsulka Soomaaliya ayaa waxay ballan qaadeen in muwaaddiniinta la keeno Xabsiga Shimeys ee Magaalada Jiddah ay Maalmo gudahood ugu fududeyn doonaan howlahooda.

Tani ayaa qeyb ka ah guulaha dhinaca diplomasiyadda oo ay soo hoysay dowladda Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay,waxaana dalka Sucuudiga uu yahayy dal muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo dowladooda.

W/soo diray: Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee Sucuudiga(Cali Jaamac Cilmi(Calikuus)

Previous Post

R/wasaare Khayre oo Dhuusamareeb kula kulmay Odoyaasha Dhaqanka ee Xeraale iyo Huurshe.

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo ku dhawaad 30 Shabaab ku dilay Sh/hoose

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo ku dhawaad 30 Shabaab ku dilay Sh/hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo ku dhawaad 30 Shabaab ku dilay Sh/hoose

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In