Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, halkaas oo uu kula kulmay guddoonka iyo howlwadeennada guddiga oo uu uga mahadceliyay sida ay u maareeyeen howsha doorashooyinka, kuna dhiirrigeliyay dhammeystirka howlaha dhiman.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay xarunta, isagoo warbixinno ka dhageystay Guddoonka guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal, waxaana kormeerkiisa kadib uu kula dar daarmay inay dardargeliyaan howlaha u dhiman.