Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ay ka wada hadleen u diyaar garowga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maalmo kooban ka harsan yihiin.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Labada Aqal u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.