Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale maanta la kulmay Madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.
Kulankaan oo ka dhacay Guriga Madaxwaynaha ayay labada masโuul uga wada hadleen iskaashiga labada dal iyo sidii dawladda Imaaraadku u xoojin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.
Raโiisul Wasaare Rooble oo Khamiistii soo gaaray Abu Dhabi ayaa madaxda ugu sarreysa Imaaraadka la lahaa kulammo diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaalnimo ee labada dal ee walaalaha ah.