Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku tagey degmada Afmadow booqasho uu ugu kuur-galayo xaaladda beni’aadannimo ee ay sababeen roobabku, ayaa sheegay in degmada ay dhinac walba ka go’doomiyeen roobabka daadadka wata ee ka da’ay gobolka iyo kooxaha Khawaarijta ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay baaxadda dhibaatada ay gaarsiiyeen degmada Afmadow iyo deegaannada ku xeeran daadadku, isaga oo tilmaamay in xukuumaddu ay ku howlan tahay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen daadadku.
Dhankooda, maamulka degmada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka oo ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga warbixiyey khasaaraha nololeed iyo kan hantiyeed ee soo gaaray.