Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Xamsa oo kala hadlay Madaxweynaha Tanzania taageerada tartanka Soomaaliya ee Xubinnimada Golaha Ammaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
R/W Xamsa oo kala hadlay Madaxweynaha Tanzania taageerada tartanka Soomaaliya ee Xubinnimada Golaha Ammaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalay Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotoda dheer  iyo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka codsaday in dowladda Tanzania ay codkeeda ku taageerto Soomaaliya oo u tartameysa ka mid noqoshada Xubnaha aan Joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 – 2026.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay Madaxweynaha dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada Tanzania in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, si xukunnadooda inta ka harsan ugu dhameystaan Soomaaliya, taasi oo mabdi’iyan ay aqbashay, isla markaana farsamo ahaan si wadajir ah looga shaqeeyo.

Mudane Xamsa ayaa Madaxweyne Samia uga mahadceliyay inay dowladda Soomaaliya ay siisay dhul loogu talagalay safaaradda Soomaaliya, waxaana uu gaarsiiyay casuumaad uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda taas oo ku saabsan inay soo booqato magaalada Muqdisho, oo ay aqbashay, taasi oo billow u ah isdhaafsiga booqashooyin lagu xoojinayo xiriirka oo ay is dhaafsan doonaan madaxda labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyn ku ammaanay Madaxweynaha Tanzania, martigelinta shir madaxeedkan ahmiyadda gaarka ah u leh bulshooyinka qaaradda Afrika.

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Beladxaawo “SAWIRRO”

Next Post

Ruushka oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan $640 Milyan

Next Post
Ruushka oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan $640 Milyan

Ruushka oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan $640 Milyan

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In