Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.Wasaaraha oo Tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay Qaraxii Maanta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda oo cambaareeyay weerarka hotel ambbassidor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Moqdisho, Aug , 30 , 2016….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay meel u dhow albabaabka hore ee madaxtooyada iyo Hotel ka SYL oo ay ku dhinteen dad isugu jira Shacab iyo Ciidamo ka tirsan Dawladda kuna dhawacmeen tiro kale.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu horeyn Cambaareyn u soo jeediyay Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas isagoona sheegay in arrintaas ayan la yaab ku ahayn kuwii hore falkaas u samayn jirayna ay ka danbeeyeen Weerarkaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u direy qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyoodeen askartii iyo shacabkii naftooda ku waayay ee halkaa ku dhintay isagoona Ilaah uga baryay kuwa ku dhaawacmayna inuu Caafimaad.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

” Anagoo si adag uga shaqaynayna arrimaha amniga iyo xasilinta , si loo helo mustaqbal wanaagsan, ayaa Argagixiso taas badalkeeda ku howlan yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro fulaynimo ah oo ay waxyeelo ugu gaysanayaaan dadka shacabka ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar oo intaas ku daray in kooxda Alshabaab ay maleegayaan sidii ay u fulin lahaayeen awaamiir laga soo minguuriyey dalka dibeddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey Ciidamadda Amniga oo is hortaag ku sameeyey, kana hor tagay in cadowgu si fudud ku soo gaaro bartilmaameedkooda.

“Weerarkii maanta iyo kuwii ka horeeyey ee cadowgu ka sameeyey dalka waxay ahaayeen falal fuleynimo ah oo ay sameyeen kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan Diinta Islaamka. Waxaan u sheegaynaa kooxaha nabad-diidka ah in ciidanka qaranka mar walba iyo meel walba uu diyaar ugu yahay sidii uu damaciinna gurracan u horistaagilahaa”.

—DHAMMAAD—-

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowlad gobaleedka Galmudug oo laga taageeray dalka Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Dowlad gobaleedka Galmudug oo laga taageeray dalka Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Dowlad gobaleedka Galmudug oo laga taageeray dalka Koonfur Afrika "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In