Rabshado ka dhacay xabsi weyn oo ku yaala gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka ayaa ku geeriyootay Toddobo kamid ah maxaabiis halkaasi ku xirnayd,waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray ilaa 17 qof oo kale.
Mas’uuliyiinta Gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka ayaa warbaahinta u sheegay in Rabshadahaasi oo bilowday Axaddii balse la soo afjaray maalintii Isniinta ee la soo dhaafay,iyagoo faah faahiyay khasaaraha halkaasi ka dhashey.
Bryan Stirling oo ah madaxa la socodka arrimaha maxaabiista ayaa sheegay in Arrintani ay ku saabsanayd aagagga ay maxaabiistu ku kala xirin yihiin iyo waxyaabo sharcidarro ah oo ay ku dhex iibinayeen,taasi oo muran xoogan uu ka dhashey.
Wararka ayaa sheegaya in Dhimashada ay keenay isku dhacaasi oo la isku adeegsaday toorey iyo waxyaabo kale,iyadoo la sheegayo in Dhammaan waardiyeyaashii iyo shaqaalihii kale ee sharci fulinta ayaa la sheegay in ay nabad qabaan.
Wax yaabaha ugu weyn oo gacan ka hadalka dhaliyay ayaa ahaa in Dadkan ay isku hayeen lacag iyo xuduud iyaga oo xabsi ku jira,murankaasi oo aaqirkii keeney in ay xabsiga ku dhexdagaalamaan”.sidaasina waxaa sheegay Bryan Stirling oo madax u ah waaxda dusha kala socota xaaladda maxaabiista South Carolina.