Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiyaha ayaa sheegaya inuu iscasilay rai’sul wasaaraha wadankaas.
Warbaahinta rasmiga ah ee dowladda ayaa sheecisay in R/wasaaraha uu gudbiyay iscasilaadiisa.
Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaas.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbaysa iscasilaada, R/wasaaraha, hayeeshee Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa wadanka waxaa hareeyay banaanbaxyo sababay khasaaro badan.