Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaaraha oo hambalyo u diray Haweenka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta 8-da Maarso “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaaraha oo hambalyo u diray Haweenka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta 8-da Maarso “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, March 8, 2017——-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hambalyo u diray haweenka Soomaalyeed, isaga oo ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta 8-da Maarso oo loo asteeyay maalinta haweenka adduunka.

“Inkastoo aaney aheyn maalin la xafladeyn karo oo dalka ay Abaaro ka jiraan oo ay caruurteenu gaajo u dhimanayaan, waxaanse rabaa inaan idin xasuusiyo muhiimada ay leedahay inaan gacmaha is qabsano oo aan wadajir ugu istaagno gurmadka shacabka” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in haweenka ay yihiin laf dhabarka bulshada iyo gargaar fidinta.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Sideeda maarso waa maalin na xasuusineysa sida ay lagama maarmaan u tahay illaalinta xaquuqda hooyooynka iyo gabadhaheena Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa in xukuumadeyda ay ka hortagto tacadiyada ka dhanka ah haweenka” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka hadlayay munaasabada sideeda Maarso.

“Anigoo ka faa’iideysanaya munaasabadan maalinta 8-da Maarso ee haweenka adduunka, waxaan ku boorinayaa haweenka Soomaaliyeed inay qeyb libaax ka qaataan gurmadka Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku dhufteen”.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu dib u furi doono Iskuul ay wax ku baran jireen gabdho Soomaaliyeed oo howlihii waxbarasho ee Iskuulkaasi u hakadeen duruufo dhaqaale owgeed, isaga oo cadeeyey inuu bixin doono dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah si ay dib loogu bilaabo waxbarashadii gabadhaasi.

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

Masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo maanta si wadajir ah uga qeyb galay Munaasabada 8da Maarso oo Galkacyo ka dhacday ‘SAWIRO’

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In