Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka oo soo xiray shirka Bangiyada dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka oo soo xiray shirka Bangiyada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta soo xiray shirka Sanadlaha ah ee Midowga Bangiyada dalka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka sanadkan oo lagu falanqeeyay mowduuca muhiimka ah ee “Furida Sohdimaha Curdunka ah ee Maaliyadda Soomaaliya,” ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo muhiim ah oo ku saabsan horumarka bangiyada dalka, fursadaha kobcinta dhaqaalaha iyo caqabadaha horyaalla nidaamka maaliyadeed.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Sidoo kale, shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha, kobcinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka, iyo wada shaqeynta dowladda iyo ganacsatada bangiyada, iyadoo la raadinayo xalal lagu sii xoojin karo nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbadiisa ku bogaadiyay bangiyada dalka, isagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaareen adeegyadooda shaqo iyo fursadaha ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka, taas oo ka dhalatay wada shaqeyn dhow oo dhex martay dowladda iyo ganacsatada.

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in dowladda ay sii laba jibaarayso taageerada iyo wada shaqeynta bangiyada dalka si loo horumariyo dhaqaalaha iyo hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinayay askar

Next Post

Turkiga oo Soomaaliya u soo diray Markab sida mucaawino

Next Post
Turkiga oo Soomaaliya u soo diray Markab sida mucaawino

Turkiga oo Soomaaliya u soo diray Markab sida mucaawino

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In