Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha oo kulan deg deg ah la qaatay Haya’daha amniga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Ra’iisul wasaaraha oo kulan deg deg ah la qaatay Haya’daha amniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa caawa kulan deg deg ah la qaatay Wasiirada Amniga gudaha, Gaaashaandhigga, Taliyeyaasha ciidamada Nabad sugidda Qaranka iyo Booliska, guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee gobolka banaadir iyo saraakiil kale, kaasi oo looga hadlayay weerarkii maleeshiyaad ka tirsan UGUS ay ku qaaday Hoteelada Siyaad iyo Wehliye ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha ciidamada Booliska Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, kuwaasi oo sharaxaad ka bixiyay sida ay ciidamada amniga ugu guuleysteen inay soo badbaadiyaan dadkii ku xanibnaa hoteelladii ay weerarka ku qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo dilay dhamaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026

Wasiirka amiga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa isna Ra’iisul wasaaraha u sheegay in kooxaha weerarka ku soo qaaday Hotelka Siyaad ay tiradoodu gaareysay shan nin oo ay gebi ahaanba ay ciidamadu toogasho ku dileen, marka laga reebo kuwa isku qarxiyay ilinka hore ee hotelka, waxaana uu xusay in saddex qof oo shacab ah ay dhaawacyo ka soo gaartay weerarka.

“Weerarka Kooxda UGUS ay ku soo qaaday halkan uma suurtoobin oo ah inay waxyeelaan dad saa’imiin ah, Hotelka Wehliye 7 qof ayaa soo gashay, dhaaman ciidamada ayaa toogtay, sidaas oo kale Hotelka Siyaad shan ayaa soo gashay oo labo ka mid ah ay is qarxiyeen saddexda kale ciidanka ayaa toogtay, waxaana uu dhaawac fudud soo gaaray dad shacab ah, ciidamaduna way ku mahadsanyihiin howsha ay qabteen” ayuu yiri Wasiirka amhiga gudaha.

Wasiirka ayaa xusay in amniga uu suganyahay shacabkuna ay is dajiyaan, oo ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isagoo markale baaq u jeediyay maleeshiyaadka ay qaldeen kooxda Shabaab

vlcsnap-2015-07-11-01h44m26s65 vlcsnap-2015-07-11-01h44m10s153 vlcsnap-2015-07-11-01h43m53s231 vlcsnap-2015-07-11-01h43m32s38 vlcsnap-2015-07-11-01h43m19s168 vlcsnap-2015-07-11-01h43m06s28 vlcsnap-2015-07-11-01h42m50s118 vlcsnap-2015-07-11-01h42m33s197 vlcsnap-2015-07-11-01h42m16s49 vlcsnap-2015-07-11-01h41m58s113 vlcsnap-2015-07-11-01h41m30s71 vlcsnap-2015-07-11-01h41m10s144

vlcsnap-2015-07-11-01h40m25s208 vlcsnap-2015-07-11-01h40m05s252 vlcsnap-2015-07-11-01h39m21s76  vlcsnap-2015-07-11-01h31m13s55 vlcsnap-2015-07-11-01h30m56s131 vlcsnap-2015-07-11-01h38m47s210 vlcsnap-2015-07-11-01h30m37s203 vlcsnap-2015-07-11-01h29m49s233 vlcsnap-2015-07-11-01h29m27s13

vlcsnap-2015-07-11-01h47m32s98 vlcsnap-2015-07-11-01h47m07s125 vlcsnap-2015-07-11-01h46m53s227 vlcsnap-2015-07-11-01h45m54s165 vlcsnap-2015-07-11-01h45m34s201

 

 

Previous Post

Wasiirada Difaaca iyo Amniga oo ka warbixiyay weerarkii caawa “Sawirro+Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In