Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga maanta la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka kaas oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada .

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Wakiilladu waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wadatashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay liiska kurasta la doorandoono

Next Post

Jubbaland oo sheegtay in ay diyaar uyihiin shirka RW iclaamiyay

Next Post
Jubbaland oo sheegtay in ay diyaar uyihiin shirka RW iclaamiyay

Jubbaland oo sheegtay in ay diyaar uyihiin shirka RW iclaamiyay

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In