Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha oo mas’uuliyiin ku qaabilay xafiiska Wasiirka Warfaafinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha oo mas’uuliyiin ku qaabilay xafiiska Wasiirka Warfaafinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta xafiiska Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa ugu horeyn waxa uu la kulmay Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru dowladaha iyo Wasiir ku-xigeenka kaasi oo uu Wasiirka koowaad uu Madaxda Wasaaradda kaga dhageystay warbixino la xiriirta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, waxaana uu Ra’iisul wasaaruhu ku bogaadiyay Madaxda Wasaaradda inay sii dar dargeliyaan adeegyada ay Wasaaradda Warfaafintu u gudbiso bulshada.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Shirka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala iyo Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow, oo Wasiirka koowaad ee xukuumadda Mudane Cumar Cabdirashiid uga warbixiyay howlaha Idaacadda iyo Tv-ga ay u hayaan bulshada iyo doorka Xukuumadda uga aadan dhiiri gelinta howlwadeenada Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa xafiiska Wasiirka Warfaafinta waxa uu kulamo saacado qaatay la yeeshay Xildibaanno iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, kaasi oo ku saabsanaa kala warqaadasho iyo isu baraarujin u adeegidda bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

DSC04442 DSC04443 DSC04444 DSC04446 DSC04447 DSC04448 DSC04449 DSC04451 DSC04452 DSC04453 DSC04454 DSC04457 DSC04458

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo deeq dawo ah guddoonsiisay maamulka Gobolka Bakool “SAWIRRO”

Next Post

Tobanka Dambe ee Ramadaan iyo Leylatul Qadarka Dhageyso

Next Post
Tobanka Dambe ee Ramadaan iyo Leylatul Qadarka Dhageyso

Tobanka Dambe ee Ramadaan iyo Leylatul Qadarka Dhageyso

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In