Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha oo u kuur galey howlaha shaqo ee Dekedda Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha oo u kuur galey howlaha shaqo ee Dekedda Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 06 June 2017…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Dekedda Muqdisho, waxaana ku soo dhaweeyey Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys, Maareeyaha Dekada Muqdisho iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala, wuxuna mid mid u booqdey xafiisyada ay ku howl-galaan shaqaalaha dekedda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka dekadda kala hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa shaqada, loona horumarin lahaa dekedda Muqdisho, sidoo kalena waxuu la sheekeestey Ganacsatada alaabta kala soo dageysey dekadda, isagoona ka wareystey sida loola dhaqmo marka ay usoo degayaan badeecooyinka. Waxuu maamulka dekadda ugu baaqey iney ilaaliyaa xariirka Ganacsatada, loona fududeeyo sidii ay ganacsigooda hab nidaam ah u mari lahaa.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Waa iney helaan Ganacsatada Soomaaliyeed qadarin gooniya si loo dareensiiyo iney dalkan iyagu leeyihiin, taasina waxaa keeni karta iyadoo loo fududeeyo Ganacsigooda”ayuu yiri R/W Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormaarkani u noqonayaa markii Shanaad ee uu booqdo Dekadda. Waxuuna maamulka iyo shaqaalaha kula dardaarmey iney nidaam caddaalad ah ugu shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay iska ilaaliyaan wax walba oo keeni kara musuq-maasuq.

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka oo kormeeray xafiisyada wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare oo uu maanta howlo Shaqo u tagay+Sawirro

Next Post

Kismaayo: Madaxweyne Farmaajo oo ku booriyay ciidamada Xoogga dalka inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada “SAWIRRO”

Next Post
Kismaayo: Madaxweyne Farmaajo oo ku booriyay ciidamada Xoogga dalka inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada “SAWIRRO”

Kismaayo: Madaxweyne Farmaajo oo ku booriyay ciidamada Xoogga dalka inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In