Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha Qatar oo xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha Qatar oo xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Dalka Qatar, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa Xafiiskiisa Doxa ku qaabbilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Abdullah bin Nasser iyo Wasiir Sadiiq Warfaa ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka iyo xoojinta iskaashiga Labada Dal, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha Qatar boggaadiyay dedaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto dib u dhiska Dalka iyo horumarinta Bulshada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii ay Dowladda Qatar u ballaarin lahayd kootada Soomaaliya ee shaqaalaha ay dibedda ka keensato Dowladda Qatar, si fursado loogu helo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaana sidoo kale laga hadlay dib u howlgalinta Machadka horumarinaya iyo maareynta Soomaaliya ee SIDAM, dib u anba qaadidda heshiis ay labada Dal galeen Sanadkii 1983-dii oo la xiriiray iskaashi shaqo wadaag iyo horumarinta Bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa dhankiisa sheegay in ay Dowladda Qatar ka go’antay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa muddada uu ku suganyahay Dalka Qatar wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda sare ee Dowladda Qatar.

Previous Post

Soomaaliya, Masar iyo Kenya oo shir saddex-geesood ah ku yeeshay Yew York “Sawirro”

Next Post

Wasaaradda qorshaynta Soomaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada oo ka wada hadlay qorshaha horumarinta Qaranka

Next Post
Wasaaradda qorshaynta Soomaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada oo ka wada hadlay qorshaha horumarinta Qaranka

Wasaaradda qorshaynta Soomaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada oo ka wada hadlay qorshaha horumarinta Qaranka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In