Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb galay Xuska Maalinta Caalimiga ah ee Afka Hooyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb galay Xuska Maalinta Caalimiga ah ee Afka Hooyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 21, Feb, 2018—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu weynaynayey maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo oo sanad walba 21-ka Febraayo la qabto.Waxaana soo qaban qaabiyay maamulka Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee “AGA” iyo Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo kaashanaya Abwaannada Soomaaliyeed.

Waxaa ka soo qayb galay kulanka guddoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee “AGA” Maxamed Daahir Afrax, guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Abwaano, Fannaaniin iyo qaar kamid ah qaybaha kale ee bulshada.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Guddoomoyiha Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee “AGA” Abwaan Maxamed Daahir Afrax, ayaa ka sheekeeyay taarikhda ku duugan xuska maalintan, sida ay dunidu u qiimaynayso iyo sidii ay ku dhalatay, cidii jideysay iyo sababta maalintan loo doortay, isagoona cadeeyay ahmiyada ay maanta oo kale u leedahay shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna soo jeediyay in la is waydaarsado habkii la iskaga kaashan lahaa horumarinta iyo soo noolaynta dhanqanka iyo Af-Soomaaliga oo raacay burburkii dawladnimo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahed celiyay maamulka Akadeemiyad-Goboleedka Af-Soomaaliga iyo Akadeemiyada cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo si wayn u harumariyay xarunta Akadeemiyada iyo Afka. Waxuuna balan qaaday in xukuumadiisu ay muhiimad wayn siinayso soo noolaynta Afka iyo dhaqanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in aas aaska iyo jiritaanka dadkeena uu yahay Af-ka, maadaama ay isku fahmaan shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Sidoo kalena uu yahay Af ka gudbay xaduudda Soomaaliya oo saameyn ku yeeshay dawladdaha aan dariska nahay.

“Af-Soomaaligu waa afka rasmiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya. waana in loo adeegsadaa shaqooyinka xafiisyadda dawladda si loo hagaajiyo maqaamka afkeena hooyo. Dhamaan shaqaalaha dawladda ayaan farnay in ay dhiirigaliyaan isticmaalka luuqadeena.” Ayuu yiri R/W Khayre.

Guddoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tilmaamay in Af-ka Soomaaliyeed lagu soo qaaday weerar si loo dabo jaro balse ay dadka Soomaaliyeed ay naftooda u hurayn sidii ay u difaaci lahaayeen afkooda hooy. Waxuuna sheegay in kooxda Akadeemi-Gobaoleedka Af-Soomaaliga ay rubac qarni soo wadayn qaylo-dhaan ay ku baraarujineyaan Soomaalida damiirka leh, si loo badbaadiyo afkeena.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Guddoomiye Yarisow oo la dar-daarmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In