Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka tanaasulay saamiyadii uu ku lahaa Shirkadda SOME OIL AND GAS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Dowlad goboleedka Galmudug oo hambalyo u dirtay Ra’iisul Wasaaraha cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

kheyre1

War qoraal ah uu soo saraay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayer oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Warbaahinta Qaranka ayuu ku sheegey Ra’iisul-wasaaraha in uu ka tanaasulay saamiyadii uu ku lahaa Shirkadda SOME OIL AND GAS ee dalka Ingiriiska laga leeyahay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkiisa ku faah-faahiyay ujeeddada ka dambeysay go’aanka uu kaga tanaasulay saamiyadiisa uu shirkadaasi ku lahaa, taasi oo uu ku sheegey in ay tahay in uu doonayo in uu fursad uu siiyo Howlaha Qaranka ee horyaalla iyo gudashada waajibka Dastuuriga ah ee saaran.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo wuxuu ii magacaabay Ra’iisul wasaraaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana ka aqabalay magaabistayda, marka si aan u guto mas’uuliyadda isaaran, islamarkaana uga fogaado waxkasta oo  isku dhac ah oo ka imaan kara mas’uuliyaddii aan ka hayay Shirkadaasi iyo Saamiyadii aan ku lahaa  si dhaqsi leh ayaan uga tanaasulayaa”, ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo  intaasi ku daray in uu ugu talagalay in wax saami ah ku yeelan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri “Waxaa hubaa in aad u fahamteen in dadaalkayga iyo danaheyga oo idil aan ku bixin doona hadda kadib horumarainta  dalkeyga iyo dhismaha dowladda wanaagsan oo ka hana qaada  geyiga Soomaaliya”.

Hadalka Ra’iisul wasaraha Soomaaliya ayaa imaanaya maalin kaddib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u magacaabay xilka Ra’iisul wasaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo Saamiga Ra’iisul-wasaaraha uu ka naasulay lagu sheegay ilaa laba milyan oo Saami.

warq warqadda

 

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka kulanka todobaadka

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Banaan bax lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Banaan bax lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon

DAAWO SAWIRRADA: Banaan bax lagu taageerayay Ra'iisul wasaaraha cusub oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In