Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dhageyso: XFS  oo faah faahin ka bixisay qorshayaasha horyaala 2018-2019
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo ku aadan in culimadu ay door ka qaataan wacyi gelinta bulshada.

Kulanka oo ka qabsoomay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  ayuu Culimaa’udiinku kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalka ay dowladdu ku bixineyso ka hortagga fikraha xagjirka ah ee ay maleeshiyaadka Al-Shabaab dadku ku marin habaabinayaan.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah culimada maanta uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii ay bulshada uga wacyi gelin lahaayeen fikirka qaldan ee ay Shabaabku shacabka ku marin habaabinayaan in uusan Diinta Islaamka raad ku lahayn.

“Galabta waxaan xafiiskiisa Ra’iisul Wasaaraha ugu nimid, guddiga sare ee culimada,  Anagoo ah Guddiga sare ee culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir,  Sheekh Nuur Baaruud, anigoo Sheekh Cali-Wajiis ah, Sheekh Cabdiqaadir Soomow iyo Dr Maxamed Xaaji, waxaan halkan ugu nimid inaan arrimaha Qaranka is dhaafsano, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  waxa uu culimada Soomaaliyeed siiyaa arrimo aad u muhiim ah, xogta dowladda iyo amuuraha hadba waxyaabaha u qabsoomay,   guulo badan oo wax ku ool ah, culimaduna runtii ay aad u taageersantahay , iskaashi badana ay la leedahay dowladda” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis oo intaa ku daray . “Waxaan tallooyin ka siinay arrimaha Xajka iyo sida ugu fiican ee lagu xajin karo, sidoo kale amniga talooyin ku saabsan iyo cabashooyin nagu soo dhac dhacay oo bulshada xageeda nooga yimid oo uu aad nooga qanciyay, noona sheegay in waxyaabo badan oo dadku ka cabteen in wax ka qabanayo, waxaan kaloo kala hadalnay araah ku aadan arrimaha garsoorka, sidoo kale in la joogteeyo wadatashiga culimada iyo madaxda dowladda, shirka guul ayuu ku soo dhamaaday, Soomaalida waxaan ugu bishaareynayaa Insha Allah in Xukuumadda ay gacanta ku heyso arimo badan oo muhiim ah oo dalkan wax badan ka badali doonto”

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA SHIRKA BRUSSELS OO UU FURAY RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA DALKA

Next Post

Mareykanka oo diyaar u ah wadahadallo toos ah in lala galo Talibanka 

Next Post
Mareykanka oo diyaar u ah wadahadallo toos ah in lala galo Talibanka 

Mareykanka oo diyaar u ah wadahadallo toos ah in lala galo Talibanka 

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In