Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray dhismo cusub oo loo dhisay Wakaaladda SONNA “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray dhismo cusub oo loo dhisay Wakaaladda SONNA “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xarunta Wasaradda Warfaafinta ay kusoo dhoweeyeen qeybaha kala duwan ee howlwadeennada Wasaaradda ayaa waxaa uu xariga ka jaray xarunta Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, isagoo intaasi kadib Kormeeray dhismaha cusub ee Wakaaladda SONNA iyo qeybaha ay ka koobantahay.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sidoo kale kulan looga hadlayay tayeynta howlaha Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ay u heyso dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo sidii loo dar dar gelin lahaa.

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026

Agaasimaha Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ka hadlay muhiimadda Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay dalka ,wuxuuna sheegay in Wakaaladda SONNA ay dib usoo ceshan doonto doorkii Warbaahineed oo ay ku laheyd Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye’’ ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka uga warbixiyay horumarada kala duwan ee ay ku talaabsatay Wasaaradda Warfaafinta iyo dadaallada xukuumadda Soomaaliya ay ugu jirto dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku bogaadiyay mas’uuliyiiinta Wasaaradda Warfaafinta in Wakaaladda wararka Qaranka soomaaliyeed SONNA dib ugu soo laabato kaalintii baahinta Wararka dalka iyo dibadda ay kaga jirtay, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan warar ay ku kalsoonaan karaan, maadaama ay Wakaaladdu u taagantahay baahinta iyo uruurrinta wararka wakaaladaha kale ee caalamka.

IMG_2513 IMG_2514 IMG_2518 IMG_2523 IMG_2524 IMG_2526 IMG_2530 IMG_2534 IMG_2536 IMG_2540 IMG_2541 IMG_2545 IMG_2549 IMG_2550 IMG_2552 IMG_2554 IMG_2555 IMG_2557 IMG_2560 IMG_2561 IMG_2565 IMG_2571 IMG_2574 IMG_2576 IMG_2577 IMG_2578 IMG_2579 IMG_2580 IMG_2581 IMG_2582 IMG_2585

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Feereysane)

 

Previous Post

Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha oo haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 8-da Maarso

Next Post
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’

Madaxweynaha oo haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 8-da Maarso

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In