Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray dhismo cusub oo loo dhisay Wakaaladda SONNA “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray dhismo cusub oo loo dhisay Wakaaladda SONNA “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xarunta Wasaradda Warfaafinta ay kusoo dhoweeyeen qeybaha kala duwan ee howlwadeennada Wasaaradda ayaa waxaa uu xariga ka jaray xarunta Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, isagoo intaasi kadib Kormeeray dhismaha cusub ee Wakaaladda SONNA iyo qeybaha ay ka koobantahay.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sidoo kale kulan looga hadlayay tayeynta howlaha Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ay u heyso dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo sidii loo dar dar gelin lahaa.

Related posts

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026

Agaasimaha Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ka hadlay muhiimadda Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay dalka ,wuxuuna sheegay in Wakaaladda SONNA ay dib usoo ceshan doonto doorkii Warbaahineed oo ay ku laheyd Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye’’ ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka uga warbixiyay horumarada kala duwan ee ay ku talaabsatay Wasaaradda Warfaafinta iyo dadaallada xukuumadda Soomaaliya ay ugu jirto dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku bogaadiyay mas’uuliyiiinta Wasaaradda Warfaafinta in Wakaaladda wararka Qaranka soomaaliyeed SONNA dib ugu soo laabato kaalintii baahinta Wararka dalka iyo dibadda ay kaga jirtay, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan warar ay ku kalsoonaan karaan, maadaama ay Wakaaladdu u taagantahay baahinta iyo uruurrinta wararka wakaaladaha kale ee caalamka.

IMG_2513 IMG_2514 IMG_2518 IMG_2523 IMG_2524 IMG_2526 IMG_2530 IMG_2534 IMG_2536 IMG_2540 IMG_2541 IMG_2545 IMG_2549 IMG_2550 IMG_2552 IMG_2554 IMG_2555 IMG_2557 IMG_2560 IMG_2561 IMG_2565 IMG_2571 IMG_2574 IMG_2576 IMG_2577 IMG_2578 IMG_2579 IMG_2580 IMG_2581 IMG_2582 IMG_2585

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Feereysane)

 

Previous Post

Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha oo haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 8-da Maarso

Next Post
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’

Madaxweynaha oo haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 8-da Maarso

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta kormeer shaqo ku...

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA DHEXE):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku hawlanaa, fulinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In