Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Maddaale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Maddaale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Jenaraal Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar (Maddaale) oo muddo dheer kamid ahaa saraakiisha laf-dhabarta u ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka ku sifeeyey mid ka mid ah tiirarkii udub-dhexeedka u ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, muddo dheerna u taagnaa sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo kala danbeyn waarta oo sharciguna sarreeyo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan uga tacsiyeynayaa dhammaan qoyska, ehellada, ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan Qaranka, geerida ku timid Alle ha u naxariistee marxuum Jenaraal Maxamed Yuusuf Shiikh Cumar (Maddaale) oo ahaa shakhsi karti, dhawrsanaan, daacadnimo iyo dal jacayl ku sifoobay intii uu noolaa, waxaana ku xasuusan doonnaa kaalintii uu ka geystay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu ka waraabiyo Jannatul Firdows, dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Previous Post

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, ”M𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝𝐡𝐢-𝐂𝐚𝐝𝐝𝐞𝐞𝐲𝐞 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐡𝐞𝐥𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐱𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐝𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡”

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo Waraaqaha Aqoonsiga u gudbiyay Agaasimaha UNOV

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo Waraaqaha Aqoonsiga u gudbiyay Agaasimaha UNOV

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo Waraaqaha Aqoonsiga u gudbiyay Agaasimaha UNOV

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In