Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, ayaa sheegay in Qaran-dhiska nuxurkiisu yahay xoojinta hey’adaha, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo qoryashaal cad cad oo ka tarjumaya halka dalka loo jiheynayo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dalkeenna loo jiheeyay dhanka horumarka iyada oo lagu salaynayo cilmi baarisyo, kuwaas oo lagu qeexay Qorshaha Isbeddelka Qaranka, iyo Qorshaha Hiigsiga (2060, iyo NTP-2025 2029) ee la doonayo in horumar muuqda lagu gaarsiiyo dalkeenna.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Aqoonyahanka Soomaaliyeed looga baahan yahay samaynta cilmi-baaris la xiriirta yareynta saboolnimada, wax ka qabashada isbeddelka cimilada, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, iyo istaraatiijiyadaha lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

“Dowladda Soomaaliyeed waxa ay la timid aragti Qaran oo ku saleysan Cilmi-baarisyo waaweyn oo lagu saleeyay Qorshaha Qaranka ee sannadaha soo socda, sidaas darteed Aqoonyahanka iyo Haldoorka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay qeyb ka noqdaan sahanka u maqan dalkeenna iyo halka aynu berri degi doonno” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in hadda ay xaqiiqo tahay waxa uu dalkeennu u baahan yahay sidaas darteed dowladdu ay u sahmisay istaraatiijiyad cad, iyada oo laga faa’iideysanayo Khayraadka dabiiciga iyo tan ugu muhiimsan oo ah awoodda shacabkeenna dhallinyarada u badan.

 

    — Dhammaad —

Previous Post

Ciidanka Qaranka oo weearar culus kula wareegay fariisin ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta

Next Post

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War-Saxaafadeed ka soo saartay qarax maanta ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad

Next Post
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War-Saxaafadeed ka soo saartay qarax maanta ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War-Saxaafadeed ka soo saartay qarax maanta ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In