Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar “Heshiiska Garowe waa mid xal Soomaaliyeed lagu gaarayo” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar “Heshiiska Garowe waa mid xal Soomaaliyeed lagu gaarayo” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garowe, April 3, 2016…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa soo dhaweeyey heshiiskii caawa lagu saxiixay magaalada Garoowe, wuxuna ku dheeraaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xal maangal ah oo waqtigan kala guurka ah ee dalku marayo looga gudbi karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Dawladda iyo Shacabka Puntland, wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto xili adag oo xasaasi ah, isla markaana looga baahan yahay in tanaasul la muujiyo. Isagoo xusay muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya, xiligan kala guurka ah iyo wada shaqaynta Dawladda dhexe iyo Puntland.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaaraha oo madasha ka hadlayey waxa uu yiri:

“Marka kowaad waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweyntii ay noo sameeyeen dadka Puntland tan iyo intii aan halkaan joognay. Heshiiskan aan caawa gaarnay waa mid xal Soomaaliyeed lagu gaarayo wuxuu muhiim u yahay bud-dhigida mustaqbalka, dowladnimada, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta Soomaaliya. Waana habeen taariikhi ah oo aynu asaaska u dhigayno mustaqbalka waddankeenna iyo xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna.

“ Dhammaan Xubnaha dowladda iyo Beesha Caalamku waxay kaalin weyn ka qaateen in aan maanta halkaan soo gaarno, sidoo kale waxaa arrintan kaalin weyn ka qaatay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in Dowladda Federaalka ay muhiimad weyn siinayso xal u helida mushkiladaha u baahan in wax laga qabto. Wuxuna ku celiyey in sanaddan 2016 wixii ka danbeeya dalku ka gudbi doono nidaamka 4.5 oo muddo badan lagu soo gudbay.1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Previous Post

Dowladda Faradaraalka Soomaaliya iyo Puntland oo heshiis ku kala saxiixday Garoowe

Next Post

DAAWO SAWIRADA HESHIISKA IYO KULAMADII GAROOWE

Next Post
Ra’iisul Wasaare Cumar “Heshiiska Garowe waa mid xal Soomaaliyeed lagu gaarayo” SAWIRRO

DAAWO SAWIRADA HESHIISKA IYO KULAMADII GAROOWE

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In