Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRADA-Ra’iisul wasaare Cumar oo booqday Xarunta Qaxootiga Yaman ee magaalada Qardho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRADA-Ra’iisul wasaare Cumar oo booqday Xarunta Qaxootiga Yaman ee magaalada Qardho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garowe, July 18, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo booqasho ku jooga Puntland ayaa maanta booqday Xarunta Jaamacadda Bariga Africa oo si KMG ah ay u dagan yihiin Qaxootiga Yemen ee isaga soo cararay dagaallada ka soconaya dalkooda, waxana uu halkaas kula hadlay boqolaal kamid ah qaxootiga, isagoo u sheegay dowladda Soomaaliya in ay gacan siin doonto dadka reer Yemen ee ka soo cararay dagaallada ka socda dalkooda.

Ra’iisul Wasaare Cumar, ayaa sheegay Xukuumadda Soomaaliya in magaalada Qardho ay usoo diri doonto Xubno ka socda dowladda si ay ula socdaan baahida gaarka ah ee dadka soo Barakacay si gurmad ku filan loogu fidiyo, horeyna ay gacan u siiyeen xiligii dalkooda kasoo barakeen. Wuxuna mahadcelin u jeediyey shacabka iyo Maamulka Puntland, isagoo tilmaamay in uu aad uga xun yahay dagaalada ka dhacay dalka Yemen.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Dalalka Soomaaliya iyo Yemen waa labo dal oo walaalo ah aadna isugu dhaw dhalasho ay ka dhaxayso, sidaas darteed waxaan rabbi uga baryayaa in dabka dagaalka uu ka damiyo, waxaan dhawaan soo diri doonaa guddi ka socda Hay’adda Qaxootiga Qaranka, kuwaas oo garab siin doona dadkan dhiban, Hay’adaha Caalamiga ah waxaan ugu baaqayaa in loo gurmado dadkan” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Magaalada Qardho waxaa ku sugan Qaxooti gaaraya 400 oo kasoo barakacay dalka Yemen, waxana dib u dajin loogu sameeyey qaybo kamid ah Puntland Soomaaliya iyo deegaano kale. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixisay sidii Qaxootigaas ay u heli lahaayeen goobo ay dagaan iyo adeeg dhamaystiran.

—–DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal kaahiye oo lagu qabtay xafladda ciida

Next Post

Dalada Waxbarashada ee FENPS oo guddiga samatabixinta qaxootiga Yemen lacag ku wareejisay

Next Post
Dalada Waxbarashada ee FENPS oo guddiga samatabixinta qaxootiga Yemen lacag ku wareejisay

Dalada Waxbarashada ee FENPS oo guddiga samatabixinta qaxootiga Yemen lacag ku wareejisay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In