Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka furay Cadaado wajigii labaad ee shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka furay Cadaado wajigii labaad ee shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cadaado, 31, May, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin ayaa maanta gaaray degmada Cadaado, halkaas oo uu ka socdo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe,

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowa, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Sh. Cali Diini, Wasiiro ku xigeeno, Wasiiru Dowlayaal ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb, Madaxweynaha Galmudug, Siyaasiyiin iyo Dadweyne kale.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu gaaray hoolka shirku ka socday salaan la dhex qaaday ergadii halkaas ku shiraysay, isagoona uga mahadceliyey ergada dhabar adayga ay muujiyeen mudadii ay ku howlanaayen xulista ergooyinka.

“Maanta waxaa farxad ii ah inaan furo wajigii labaad ee shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, wuxuuna shirkaan qayb ka yahay dadaalada xukuumaddu ay ku xaqiijinayso higsiga 2016, oo dalka looga dhisayo maamulada, wajiga labaad ee shirka waxaa lagu ansixinayaa axdiga KMG ah oo uu yeelanayo maamulka looga dhawaaqayo madashaan, waxaana uga baaqayaa Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Gudiga Farsamadu iney iska kaashaadaan sidii loo qancin lahaa dadka qaba tabashooyinka” ayuu yiri RW Cumar.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Gudiga Farsamada dadaalkooda ku aadan ka miro dhalinta shirkan, wuxuuna ku booriyey odayaasha dhaqanka iyo ergada shirka ka qayb galaysa iney dadajiyaan habsami u socodka shirka, lana soo gabagabeeyo dhamaadka bisha Ramadaan hadii Alle Idmo.

—DHAMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed

Previous Post

Qado sharaf loo sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In