Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo heshiis xog sahmineed la gashay shirkada Spectrum ASA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Sebtember 5th 2015 –Xogta ah in Soomaaliya bilowday sahminta awoodeeda Shidaal waa tusaale cad oo muujinaya in bariga Afrika uu yahay gobolka ugu cusub ee ku soo kordhay bahda wax soo saarka shidaalka.

Haddaba iyadoo sidaasi jirto ayaa Wasaaradda Batroolka & Macdanta waxay ku faraxsan tahay inay baahiso in dowladda Federaalka Soomaaliya ay la gashay heshiis sahmin (Multi-client seismic survey) shirkadda Spectrum ASA. Heshiiskaas oo lagu sahminayo dhul badeed baaxaddiisu dhan tahay 28,000 km oo lagu sameynayo sahanka noociisu yahay 2D (2D seismic survey). Sahanka intiisa badan waxaa laga fulinayaa dhulbadeed taas oo baloogyada (blocks) ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya horey ugula heshiisay shirkada SHELL si looga abuuro xog joolijiyadeed oo casri ah loona isticmaalay farsamada ugu casrisan ee maanta ka jirta caalamka.

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Sahanka cusub wuxuu dhameystirayaa xogtii laga aruuriyey 2014, dhulbadeed baaxaddiisu dhan tahay 20,000km. Sahankaan wuxuu suurtagelinayaa in si qoto dheer ah loo ogaado baaxadda shidaal ee badda Soomaaliya oo u dhow wadamada shidaalka laga helay ee Geeska Afrika.

Heshiiska wuxuu xaqiijinayaa in Dawladda Soomaaliya gacanta ku qabato xogta joolijiyadeed oo ka caawini doonta in la qeexo awoodda shidaal, iyadoon wax dhaqaale ahi kaga bixin Dowladda Soomaaliya. Shirkadda Spectrum ASA waxay si caalami ah u suuqgeyn doontaa xogta joolijiyadeed ee la aruuriyey si ay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka ugu soo jeeestaan horumarinta iyo soo saarista shidaalka Soomaliya.

Wasiirka Batroolka & Macdanta wuxuu ka yiri xafladda saxiixa heshiiskaan. “Heshiiskaan taariikhiga ahi ee sahanka shidaalka Soomaaliya wuxuu bartilmaameed u yahay dib u soo nooleynta baarista shidaalka dalka, taasoo saldhig u noqon doonta horumarinta dhaqaalaha.”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamed Aaden, oo ah Gudoomiyaha Guddiga Maareynta Maaliyadda (Financial Governance Commitee) wuxuu amaanay qaabkii loo maray diyaarinta heshiiskaan.

Rai’sul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali ayaa xiritaanka xafladda ka yiri “War helo ayaa talo helo. Xogta sahminta waxa ay noo ogolaanaysaa in aan gaarno go’aan fiican, degsanana qorshe fiican.”

–DHAMAAD–

Previous Post

Nuxurka Bayaankii Guddoomiye Jawaari Ee Mooshinka Madaxweynaha: FAALLO

Next Post

Guddoomiyihii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo xil cusub loo magacaabay

Next Post
Guddoomiyihii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo xil cusub loo magacaabay

Guddoomiyihii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo xil cusub loo magacaabay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In